Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Sh.Dhexe Oo Kormeero Kale Duwan Ku Tagay Degmooyin Ka Tirsan gobolka Sh.Dhexe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Sh.Dhexe Oo Kormeero Kale Duwan Ku Tagay Degmooyin Ka Tirsan gobolka Sh.Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali C/llaahi Xuseen Guudlaawe ayaa kormeero ku tagay degmooyin ka tirsan Gobolkaasi, isagoo u kuur galayay xaaladaha ammaan, iyo howlaha mashaariic ee la hirgelinayo.

Guddoomiye Guudlaawe oo ay wehliyaan xubno ka tirsan maamulka gobolka ayaa shalay kormeeray degmada xeebta ku taal ee Warsheekh, halkaaasi oo uu kula kulmay waxgaradka, qeybaha bulshada iyo haweenka, isagoo kala hadlay arrimaha amniga iyo howlaha mashaariicda ee laga fulinayo degmadaas.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026

Gudoomiyaha ayaa sheegay in degmada Warsheekh ay ka mid tahay degmooyinka uu ka socdo howlaha mashaariicda ee ay fulineyso dowladda Soomaaliya, waxaana uu dhagax dhigay howlo mashaariic oo isugu jira iskuulo, xarumo caafimaad iyo ceelal laga hirgelinayo degmadaas, si dadka ay u helaan biyo nadiif ah.

Waxaa uu sheegay inuu soo hagaagayo ammaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo Warsheekh, halkaasi oo horey loogaga cabanayay, waxaana uu tilmaamay in ciidamada amniga ay ka hortageen kooxo jidka u gala gaadiidka safarka ah, kuwaasi oo dhac iyo baad ka qaata.

Sidoo kale waxaa uu xusay in dhowaan la dhisi doono saldhigii booliska iyo goobaha kale ee aas aasiga u ah bulshada, waxaana uu balan qaaday in maamulkiisa uu sii wadi doono howlaha mashaariicda ee lagu horumarinayo degmada.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale booqday degmada Balcad, waxaana uu halkaas kula kulmay maamulka degmada, odayaasha deegaanka iyo ururada bulshada, waxaana uu kala hadlay arrimo ay ka mid tahay amniga iyo horumarinta deegaanka.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Cali Guudlaawe ayaa dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay, waxaana beryahan Gudoomiyaha uu waday howlo uu ku kormeerayo deegaanada gobolka.

Si kasto ha ahaatee Maamulka Gobolka Shabelaha Dhexe ayaa wada qorshayaal lagu horumarinayo degmooyinka Gobolka, si looga hirgelinyo mashaariicyo isugu jira adeegyada bulshada aas aasiga u ah sida waxbarashada, caafimaadka iyo arrimo kale.

Previous Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Kooxaha Chelsea,Man City,Arsenal,Man United,Liverpool iyo Tottenham oo Guulo Gaaray “Sawirro”

Next Post
Kooxaha Chelsea,Man City,Arsenal,Man United,Liverpool iyo Tottenham oo Guulo Gaaray “Sawirro”

Kooxaha Chelsea,Man City,Arsenal,Man United,Liverpool iyo Tottenham oo Guulo Gaaray “Sawirro”

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In