Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Sh.Dhexe Oo Kormeero Kale Duwan Ku Tagay Degmooyin Ka Tirsan gobolka Sh.Dhexe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Sh.Dhexe Oo Kormeero Kale Duwan Ku Tagay Degmooyin Ka Tirsan gobolka Sh.Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali C/llaahi Xuseen Guudlaawe ayaa kormeero ku tagay degmooyin ka tirsan Gobolkaasi, isagoo u kuur galayay xaaladaha ammaan, iyo howlaha mashaariic ee la hirgelinayo.

Guddoomiye Guudlaawe oo ay wehliyaan xubno ka tirsan maamulka gobolka ayaa shalay kormeeray degmada xeebta ku taal ee Warsheekh, halkaaasi oo uu kula kulmay waxgaradka, qeybaha bulshada iyo haweenka, isagoo kala hadlay arrimaha amniga iyo howlaha mashaariicda ee laga fulinayo degmadaas.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Gudoomiyaha ayaa sheegay in degmada Warsheekh ay ka mid tahay degmooyinka uu ka socdo howlaha mashaariicda ee ay fulineyso dowladda Soomaaliya, waxaana uu dhagax dhigay howlo mashaariic oo isugu jira iskuulo, xarumo caafimaad iyo ceelal laga hirgelinayo degmadaas, si dadka ay u helaan biyo nadiif ah.

Waxaa uu sheegay inuu soo hagaagayo ammaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo Warsheekh, halkaasi oo horey loogaga cabanayay, waxaana uu tilmaamay in ciidamada amniga ay ka hortageen kooxo jidka u gala gaadiidka safarka ah, kuwaasi oo dhac iyo baad ka qaata.

Sidoo kale waxaa uu xusay in dhowaan la dhisi doono saldhigii booliska iyo goobaha kale ee aas aasiga u ah bulshada, waxaana uu balan qaaday in maamulkiisa uu sii wadi doono howlaha mashaariicda ee lagu horumarinayo degmada.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale booqday degmada Balcad, waxaana uu halkaas kula kulmay maamulka degmada, odayaasha deegaanka iyo ururada bulshada, waxaana uu kala hadlay arrimo ay ka mid tahay amniga iyo horumarinta deegaanka.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Cali Guudlaawe ayaa dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay, waxaana beryahan Gudoomiyaha uu waday howlo uu ku kormeerayo deegaanada gobolka.

Si kasto ha ahaatee Maamulka Gobolka Shabelaha Dhexe ayaa wada qorshayaal lagu horumarinayo degmooyinka Gobolka, si looga hirgelinyo mashaariicyo isugu jira adeegyada bulshada aas aasiga u ah sida waxbarashada, caafimaadka iyo arrimo kale.

Previous Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Kooxaha Chelsea,Man City,Arsenal,Man United,Liverpool iyo Tottenham oo Guulo Gaaray “Sawirro”

Next Post
Kooxaha Chelsea,Man City,Arsenal,Man United,Liverpool iyo Tottenham oo Guulo Gaaray “Sawirro”

Kooxaha Chelsea,Man City,Arsenal,Man United,Liverpool iyo Tottenham oo Guulo Gaaray “Sawirro”

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In