Thursday, December 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo culumada ku boorriyay in ay faafiyaan fahamka saliimka ah ee Islaamka si shacabka loo badbaadiyo (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha oo culumada ku boorriyay in ay faafiyaan fahamka saliimka ah ee Islaamka si shacabka loo badbaadiyo (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

05 April 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay xubno ka tirsan culuma’udiinka Soomaaliyeed.

Kulankaasi ayaa looga wadahadlayay doorka culimadu ay ku leeyihiin dib u dhiska dalka, ka hortagga kooxaha sida xun u adeegsada diinta Islaamka iyo cambaareyn weerarkii wuxashnimada ahaa ee ka dhacay magaalada Gaarisa ee Kenya, kaas oo lagu diley 148 qof oo aan waxba galabsan.

Related posts

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

December 18, 2025
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

December 18, 2025

Kulankaasi oo uu goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, ayaa Madaxweynaha waxaa uu kaga hadley muhimadda iskaashi buuxa oo dhexmara culumada iyo dowladda, si kor loogu qaado fahamka saxda ee diinta Islaamka.

“Waa muhiim in fikirka bulshadeennu uu noqdo mid saliim ah oo dadka iyo dalkeenna lagu badbaadin karo. Weerarkii waxashnimo ee ardayda lagu laayay ee Gaarrisa ka dhacay, waxaa geystey kooxo diinta Islaamka meel uga dhacay, iyagoo doonaya inay colaad abuuraan. Hadafkeennu waa in aan dalalka deriska ah nabad ku wada noolaanno, si taas loo gaarana waa lagama maarmaan in aan wadashaqeyno culumada’’.

Culumada oo iyaguna fadhigaas ka hadlay ayaa taageeray fikirka Dowladda, isla markaana sheegay in ay diyaar u yihiin wacyi gelinta bulshada, kor u qaadista fahamka saliimka ah ee diinta Islaamka iyo inay ka shaqeeyaan dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta.

M.weynaha 1 M.weynaha 11

Previous Post

Magaca Mid Ka Mid ah Maleeshiyaadkii Weeraray Jamaacada Garissa oo La Shaacisay

Next Post

Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka Ximan iyo Xeeb oo tababar loo furay “SAWIRRO”

Next Post
Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka Ximan iyo Xeeb oo tababar loo furay “SAWIRRO”

Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka Ximan iyo Xeeb oo tababar loo furay “SAWIRRO”

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

December 18, 2025
0

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka gawaarida gaashaaman ee MU ayaa howlgallo qorsheysan oo amni xaqiijin ah...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

December 18, 2025
0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay Warbixinta Waxqabadka Sannadka 2025, iyadoo...

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

December 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

December 17, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In