Tuesday, May 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

kulan lagu soo dhaweynayo madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa oo Dhuusa mareeb ka socda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
kulan lagu soo dhaweynayo madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa oo Dhuusa mareeb ka socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta Gaaray magaalada Dhuusa mareeeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu soo waramayaa in kulan uu hadda la leeeyahay ergooyinka ka qayb galay shirkii dib u heshiisiinta ee dhawaanahaanba dhuusa mareeb ka socday kaas oo ay ku heshiinayeen qabaailka daga Mudug iyo Galgaduud .

Kulanka ayaa waxaa uu ka socdaa Xarunta Shirarka ee magaalada Dhuusa mareeb waxaana madaxweynaha iyo wafdigiisa loo sameeyay xaflad balaaran waxaana diirada lagu saarayaa kulankaas u socda Madaxweynaha iyo Ergooyinka qabsoomida shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud kaas oo lagu wado in lagu qabto degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Related posts

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026

Wariyayaasha Warbaahinta Qaranka eee ku sugan Howlka shirku ka socdo ayaa soo sheegaya in hadda ay socdaan khudbado ay soo jeedinayaa qaar ka mid ah ergooyinka iyo mas,uuliyiinta maamulka gobolka Galgaduud waxaa sidoo kale iyana hadli doona oo goobta kula sugan madaxweynaha wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada xildhibaano iyo mas,uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa horay u tagay magaalada Dhuusa mareeb ee xarunta u ah gobolka Galgaduud bishii February ee sanadkaan halkaa oo uu sadax cisho ku sugnaa isagoo kulamo looga hadlayo aayaha bulshada goboladaas dagta uu kula qaadanayay qaybaha bulshada Mudug iyo Galgaduud qaarkood waxaana lagu wadaa in madaxweynaha iyo mas,uuliyiinta la socotaa ay qayb ka noqdaan furitaanka shirka maamul u sameynta goboladaas oo dhawaan furmi doonna.

Previous Post

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Guddiga Axsaabta Ee Baarlamaanka Usoo Xeray Kulan Howleed Kampala Uga Socday “SAWIRRO”

Next Post

Guddoonka Baarlamaanka Oo Shaaciyey Xiliga uu Furmayo Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Soomaaliya “VIDEO”

Next Post
Xildhibaanada Haweenka ah ee baarlamaanka oo la kulmay Ururada Haweenka

Guddoonka Baarlamaanka Oo Shaaciyey Xiliga uu Furmayo Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Soomaaliya “VIDEO”

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Yugaandha,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

May 11, 2026
0

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS ayaa ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In