Monday, November 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

John Kerry: “Xeryaha qaxootiga waxaa loogu talo galay inay noqdaan kumeel-gaar”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
John Kerry: “Xeryaha qaxootiga waxaa loogu talo galay inay noqdaan kumeel-gaar”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in 45 Milyan oo dheeraad ah ay ugu deeqeyso hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, taas oo gacanta ku heysa xerada qaxootiga ee caalaamka ugu weyn ee Dhadhaab.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

November 23, 2025
Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

November 23, 2025

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry oo socdaal ku maraya bariga Afrika ayaa hadalkaan ka sheegay dalka Kenya. “Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Mareykanku uu hadda biixnayo 45 Milyan oo dheeraad ah oo lagu kabayo howl-galka UNHCR ee Kenya” ayuu yiri Kerrey.

John Kerry ayaa ka hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin qaxootiga ku sugan xeryaha Dhadhaab, wuxuu sheegay in arrinta qaxootiga aysan Kenya kaliya quseyn ee ay tahay arrinka caalamka u taalla.

“Arrintaan waa caqabad u talla bulshada caalamka, waa inaan si wadajir ah uga shaqaynaa si aan u damaanad qaadno in dadkaani aysan ku noolaan xeryaha qaxootiga marka ay dhashaan ilaa ay ka dhammeeyaan dugsiga sare, dadkan waa inay guryahooda aadaan” ayuu yiri Kerry.

“Taas waajib ayay nagu tahay, Xeryaha qaxootiga waxaa loogu talo galay inay noqdaan kumeel-gaar, looguma talo gelin inay noqdaan magaalo ku dhex taallla waddan kale” ayuu sii raaciyay.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa la hadlay dhowr qof oo ku sugan xeryaha Dhadhaab, qaarkood ayaa u sheegay inay ku dhasheen xeryaha oo ay dhammeynayaan iminka dugsiga sare, qaar kale ayaa la wadaagay hammigooda ah inay bulshada wax ku soo kordhiyaan mustaqbal marka ay waxbarashadooda dhammaystaan.

Sidoo kale Kerry wuxuu sheegay in Mareykanku uu sanadkaan boqol milyan oo dollar uu ku bixinayo la dagaallanka argagixisada ee waddanka Kenya, arrintaan ayaa Kenya ka caawin doonta inay sii waddo dadaalkeedii ay magangalyada ku siinaysay qaxootiga. Kaalmadaan ayaa ka caawin doonta qaxootiga waxarashada, caafimaadka, guryaha iyo biyo nadiif ah oo ay helaan.

Previous Post

Kulan dhaqanka lagu xoojinayo oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post

Wasiirka Amniga gudaha oo kormeeray saldhigyo ciidan

Next Post
Wasiirka Amniga: “Dhalinyarada la marin habaabiyay ee Shabaabka ku haray, ha isa soo dhiibaan”

Wasiirka Amniga gudaha oo kormeeray saldhigyo ciidan

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

November 23, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar in uu oo noqdo  Ergeyga...

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga, Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Aqalka Sare, oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah, ayaa...

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala,...

Guddoomiye Golaha Shacabka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Guddoomiye Golaha Shacabka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In