Tuesday, August 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Waa in sharciga fursad la siiyaa, nidaamka garsoorkana la xushmeeyaa “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 16, 2015
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: “Waa in sharciga fursad la siiyaa, nidaamka garsoorkana la xushmeeyaa “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 16 May 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaley magaalada Muqdisho kaga qeybgaley xaflad si weyn loo soo agaasimey oo lagu xusayey sannadguuradii 72-aad ee ka soo wareegtay munaasabadda 15-ka May oo ah markii la aasaasey dhaqdhaqaaqii xornimadoonka ee ay horkacayeen dhalinyaro Soomaali ah.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey xafladda ayaa sheegay dhalinyarada ay udub dhexaad u yihiin hirgelinta qorshaha muhiimka ee horyaalla dalka sida amniga, siyaasadda, iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

August 18, 2025
Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025

Waxaa uu si gaar ah uga hadley muhimadda ay leedahay in la dhowro sharciga.

‘’Muhimadda koowaad ee dowladda waa sugidda amniga, si taasi loo gaarana waxaa lagama maarmaan ah inaan dhowrno sharciga. Waxaa mararka qaar dhacda in dad lagu tuhunsan yahay inay Al Shabaab ka tirsan yihiin ama dembiyo kale galeen, ay ka soo daba tagaan dad mas’uuliyiin ah, taasina sax ma ahan. Waa in sharciga fursad la siiyaa, nidaamka garsoorka ee inaga dhexeeyana la xishmeeyaa. Ciidammada, waxaa iyaguna saaran inay sharciga dhowraan oo aaney wax sharciga ka baxsan ku dhaqaaqin, isla markaana ay ogaadaan in isla xisaabtan uu jiro’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxa kale oo uu Madaxweynaha uga digey dhalinyarada inaaney raacin kuwa marin habowsan ee nabadda ka soo horjeeda, isla markaana ay gacan ka geystaan dib u dhiska iyo sugidda amniga dalka.

“Horumarka aan sameyneyno waxaa hortaagan kooxda cadowga ah ee Al Shabaab, dhibaatada ugu weyn waxay ku dhacaysaa waa dhalinyarada. Waxaa waajib idin ka saaran inaad qeyb ka qaadataan sidii looga hortegi lahaa kooxdaasi iyo fikradaheeda qaldan. Dowladda weli way soo dhoweyneysaa kuwa nabadda wax ku doonaya ee diyaarka u ah inay dagaalka iyo rabshadaha isaga haraan, waana sii wadeynaa mar walba inaan nabad wax ku raadino’’.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in xoogga la saaro wax soo saarka gudaha si loo xaqiijiyo dib u soo kabasho dhaqaale oo sax ah, isla markaana ummadi aaney ku hormari karin in dibedda laga quudiyo”.

Xafladda waxaa kale oo ka soo qeybgaley, khudbadna ka jeediyey Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole.
Xafladda ka hor Madaxweynaha waxaa uu garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir kaga qeybgaley daawashada ciyaar lagu xusayey maalinta dhalinyarada, isagoo halkaasina koob ku guddoonsiiyey Kooxda Jeenyo oo cayaartii halkaasi ka dhacdey uga adkaatey kooxda Elman.

—DHAMMAAD—

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed (17) unnamed (18) unnamed (19) unnamed

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Ogeysiis:- Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Oo Qaadanaya Arday Ka Baxday Dugisyada Sare

Next Post
Ogeysiis:- Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Oo Qaadanaya Arday Ka Baxday Dugisyada Sare

Ogeysiis:- Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Oo Qaadanaya Arday Ka Baxday Dugisyada Sare

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

August 18, 2025
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee (SoDMA), ayaa raadinaysaa shirkado dhismo oo ka qeyb qaata dhismaha Xarunta Hawlaha gurmadka Degdeg ah...

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025
0

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda Maareynta Musibooyinka Qaranka ee SoDMA, uuna hoggaaminayo Agaasime Guud Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa maanta...

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

August 18, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la xisaabtanka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

August 18, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil ciidan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In