Munaasabad Balaaran oo lagu taageerayay Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye Malaaq Xasan Malaaq Maxamed Malaaq Wehliye , ayaa waxaa lagu Qabtay wadanka Holland iyadoona Munasabadaas ay ka soo qeybgaleen ,Waxgarad,Siyaasiyiin Haweyn iyo dhalinyaro kuwaasi oo dhamaanba taageero u muujiyey Maqlaaqa.
Qaar ka mid ah Dadkii Munaasabada Ka jeediyey khudbdaha ,ayaa waxaa ay aad u taagereen Maqlaq Xasan oo dhawaan lagu duubay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Wadanka Soomaaliya, waxaana ay shegeen in loo bahanayahay in malaaqa uu noqdo malaaq Soomaaliyeed Waxbadana ka qabta Arimaha Dib u heshiisiinta Dalka .
Cabdiraxam Cumar cismaan Naan oo ka mid ah Dhlinyradii ka soo qeyb gashay Xaflada ka na mid ahaa Qabanqaabiyaasha Xaflada, ayaa waxaa uu ka sheekeyey taariikhda ,Malaaqa Xamar iyo Xamar Dayye Malaaq Xasan Malaaq Maxamed Malaaq Wehliye, waxana uu sheegay in Malaaqa uu yahay Malaaq waxbarasho sare heysta Waaya aragna ah waxbadan na u qaban doono Umadda Soomaaliyeed.
Malaaq Xaan Malaaq Showri oo ka mid ah Dadka Degan wadanka Holland Walaalana ay yihiin Malaaqa Xasan Malaaq Maxamed Malaaq Wehliye’ ayaa waxaa uu sheegay in uu aad u soo dhaweynaayo Duubka Malaaqa waxaana uu shegay in uu soo dhaweynayo isagoona u rajeeyey Cimri dheer iyo Cibaado Suuban.
Nabadoon dhiblaawi iyo Gudoomiyaha besha Xamar iyo Xamar Daye ee Hooland Cabdulaahi Jeesto oo ka hadlay Munaasabadda ,ayaa waxaa ay sheegeen in Malaq Xasan uu yahay Malaaq Da,yar lana duubay Xili loobahanaa ,iyagoona siweyn u soo dhawyey duubiista Malaaqa.
”Aad baan ugu faraxsanahay in aan Soo qaban qaabino Xaflad Noocaan oo kale ah waxaana idinkaga mahadcelinayaa sida aad ugu soo qeybgasheen Xafladaan lagu taageraayo Malaaq Xasan Malaaq Maxamed Malaaq Wehliye ,waxaana malaaqa u rajeyneynaa in uu noqdo Malaq is ku keena Umadda Soomaaliyeed ”’ayey tiri Fadumo Caraaye oo Madax u aheyd Gudiga Qaban Qaabada Xaflada.
Shikh muxyadiin Shiikh Mukhtaar ,Maxamuud Indhabuur, Cabdalle Cali ,iyo Ugaas xuseen Digriyoow oo dhamaatood ka mid ahaa dakii ka soo qeybgalay Xaflada ,ayaa waxaa taageero u muujiyeen Malaaq Xasan iyagoona uduceeyey.
Gabagabadii Munaasabadda, ayaa waxaa Qadka Telfoonka Soogalay isagoo Jooga Magaladda Muqdisho ee Casimadda Wadanka Soomaaliya Malaaq Xasan Malaaq Maxamed Malaaq Wehliye ,isagoona kula dardaarmay dhamaan Soomaalidii ka soo qeybgashay Xaflada in ay Waxtaraan u madda Soomaliyeed Iyagana Ay Midoobaan.