Saturday, June 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tubta Toosan

Sheikh Cali Wajiiz: Ramadaan waa bil Kheyr ee ma ahan bil dagaal

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 28, 2021
in Tubta Toosan, Wararka, Xulashada
0
Sheikh Cali Wajiiz: Ramadaan waa bil Kheyr ee ma ahan bil dagaal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

 

 

Shekh Cali Maxamuud Xasan ( Sheikh Cali Wajiiz oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed, ayaa ugu baaqay maleeshiyada Alshabaab ee xag jirka ah in ay dagaalka joojiyaan, ayna u turaan bulshada Soomaaliyeed ee soomman.

Sheikh Cali Wajiiz, oo marti ku ahaa barnaamijka Tubta Toosan ee Radio Muqdisho, ayaa sheegay in bisha Ramadaan ay tahay  bil naxariis iyo is caawin, balse aysan ahayn bil colaad,dil iyo qarax.

Waxa uu Sheikhu sheegay in kuwa dagaalka hurinaya sida Alshabaab ay hareer marsan yihiin shareecada Islaamka, ayna dooddoodu tahay mid khaldan.

Sheikha ayaa caddeeyay in dalka Soomaaliya ay ka jirto dowlad Islaamka ku dhaqanta, isagoo dadka xusuusiyay in baarlamaanka Soomaaliyeed uu si aan loo kala harin u ansixiyay in dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka.

Sheikh Cali Wajiiz ayaa tilmaamay in Alshabaab ay ku gacan seyreen isku day kasta oo xal lagu gaari lahaa, ayna caqabad ku yihiin  hir gelinta shareecada Islaamka ee ay sheeganayaan.

Sheikh Cali Wajiiz, ayaa dhanka kale ka hadlay sida ay xaaraan u tahay in lala dagaallamo dowladda iyo madaxda dalka hoggaamineysa, oo uu sheegay in la dagaallankooddu uu dalka gelinayo colaad daba dheeraata iyo in ay burburto danta guud.

Waxa uu kula taliyay dhallinyarada la marin habaabiyay ee ka tirsan Shabaab in ay bulshadooda ku soo laabtaan ayna joojiyaan colaadda.

Waxa uu sheikhu tilmaamay in aan janno lagu galeynin daadinta dhiigga dadka muslimka ah ee soomaaliyeed.

Barnaamijka oo dhammeys tiran ka dhageyso halkan

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/06/TUBTA-TOOSAN-22.06.2015.mp3
Previous Post

Q. M. oo soo dhaweysay dhaarinta baarlamanka cusub ee Galmudug

Next Post

Wasiir Maareeye:” Lixda bilood ee soo aadan wasaaradu waxay yeelan doontaa muuqaal cusub”-Sawirro

Next Post
Wasiir Maareeye:” Lixda bilood ee soo aadan wasaaradu waxay yeelan doontaa muuqaal cusub”-Sawirro

Wasiir Maareeye:” Lixda bilood ee soo aadan wasaaradu waxay yeelan doontaa muuqaal cusub”-Sawirro

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In