Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka haweenka iyo Danjiaraha Jabuuti ee Soomaaliya oo maanta booqday xarunta agoonta gabdhaha Boondheere+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka haweenka iyo Danjiaraha Jabuuti ee Soomaaliya oo maanta booqday xarunta agoonta gabdhaha Boondheere+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka xukuumadda Federaalka Soomaaliya marwo Sahro Maxamed Cali Samar oo uu wehliyay Danjiraha dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Dayib Dubbad Rooble ayaa maanta booqday xarunta xannaanada gabdhaha agoonta Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Maamulaha xarunta xannaanada gabdhaha agoonta Boondheere marwo Nuurto Maxamed Caddoow ayaa xarunta ku soo dhaweysay wasiirka haweenka oo uu la socday danjiraha dowlada Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir marwo Jawaahir Baarqab.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Wasiirka  iyo Danjiraha ayaa ku soo wareegay qeybaha ay ka koobantahay xarunta xannaanada agoonta gabdhaha Boondheere, iyagoo u kuurgalay xaaladda nololeed iyo tan waxbarasho ee agoonta ku jirta xaruntaasi.

Maamulaha xaruntaasi marwo Nuurto Maxamed Caddoow ayaa warbixin buuxda ka siisay mas’uuliyiinta xaaladda caruurta agoonta ah ee ku jirta xarunta, marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay iyo baahida xarunta, waxeyna uga mahadcelisay mas’uuliyiinta booqashadooda xarunta.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul Insaanka Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa ku amaantay maamulaha xaruntaasi marwo Nuurto daryeelka wanaagsan oo ay u sameysay caruurta agoonta ah. iyadoo ballan qaadday in wasaaradeedu wax badan ka qaban doonto baahida xarunta.

Xarunta xannaanada agoonta gabdhaha Boondheere ayaa waxa ku jira boqollaal gabdho aqoon ah, kuwaasoo xarunta ka hela waxbarasho, jiif. Cunto iyo daryeello kala duwan.

11667428_1448241698815524_7436844496148037445_n 11692494_1448241792148848_7822904924400612554_n 11700915_1448241468815547_5555860773161702676_n 11709401_1448241582148869_8820074321438613335_n

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta ” Kenya Dacwad Ayaan ka Gudbin Doonnaa”

Next Post

Madaxweynaha: “Waan soo dhoweynayaa dib u soo nooleynta xiriirkii taariikhiga ahaa ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo India”-Sawirro

Next Post
Madaxweynaha: “Waan soo dhoweynayaa dib u soo nooleynta xiriirkii taariikhiga ahaa ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo India”-Sawirro

Madaxweynaha: “Waan soo dhoweynayaa dib u soo nooleynta xiriirkii taariikhiga ahaa ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo India”-Sawirro

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In