Monday, August 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay Garsoorka oo Gaalkacyo lagu qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 22, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ballaaran oo looga hadlay hannaanka Caddaaladda iyo garsoorka ee maamulka Galmudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Kulanka waxaa ka qeyb galay qeybaha bulshada, xubno ka socday maxkamadaha gobolka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda caddaaladda ee Galmudug.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

August 24, 2025

Guddoomiyaha maxkamadda degmada Gaalkacyo, Maxamed Macalin Cali ayaa sheegay in maxkamaduhu ay ku shaqeeyaan xaalad adag, isla markaana ay jiraan duruufo badan oo ku xeeran fulinta xukunka ay maxkamaduhu ridaan.

Saraakiisha ammaanka ayuu sheegay inaysan fulin amarrada ka soo baxa maxkamadaha, kuwaas oo wax u dhima in si wanagsan ay u shaqeeyaan hay’adaha garsoorku.

Wasiir ku xigeenka garsoorka Galmudug Maxamud Guure Guuleed ayaa kulankan ka sheegay in Galmudug ay ahmiyad ballaaran siinayso wanaajinta garsoorka, isla markaana dib u habeyn lagu shaqeyn doono.

Wasiirko ka tirsan Galmudug ayaa booqasho ku jooga magaalada Gaalkacyo oo uu horay ugu shaqeyn jiray maamulkii hore, ayagoo u kuurgalaya sidii loo xoojin lahaa hay’adaha shaqeeya ee maamulkaasi.

Previous Post

Kaalinta bulshadu ku yeelan karaan ammaanka oo laga hadlay-SAWIRRO

Next Post

Ururka Dhagoolayaasha Soomaaliyeed oo u Dabaal degay todobaadka Dhagoollada “Sawirro”

Next Post
Ururka Dhagoolayaasha Soomaaliyeed oo u Dabaal degay todobaadka Dhagoollada “Sawirro”

Ururka Dhagoolayaasha Soomaaliyeed oo u Dabaal degay todobaadka Dhagoollada “Sawirro”

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta u ambabaxay dalka Shiinaha, halkaas oo...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISH: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dekadda Muqdisho ku sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In