Maman Sidikou Danjiraha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, , ayaa ku baaqay in la kordhiyo yaageerada dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xasiliyo guud ahaan dalka.
Danjiraha oo ka hadlayay xuska maalinta nabadda ayaa sheegay in ammaanka dalka uu soo hagaagayo maalinba maalinta ka dambeysa, dalkana uu ka soo kabanayo dagaalada sokeeye ee uu soo maray.
“Ma yaraysan karno awoodda dadka ku howlan dadaallada lagula dagaallamayo rabashadaha, laguna xoojinayo nabadda,” ayuu yiri danjiraha.
Wuxuu sheegay in mustaqbal ifaya oo Soomaaliya hesho uu ku xiran yahay xoojinta dadaallada wada-jirka ah oo lagu horumarinayo nabadda.
Sidoo kale Danjiraha ayaa sheegay in AMISOM ay kaalin wanaagsan ka qaadaneyso nabad ku soo dabbaalida dalka, iyadoo xoojisay howlgalkeeda milateri ee ay ku wiiqeyso awoodda kooxda argagixisada ee Shabaab “UGUS”.
Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya, oo taageero ka heleysa AMISOM iyo beesha caalamka, ay ku dadaaleyso soo celinta nabadda dalka.
Danjiraha ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay iney dowadda kala shaqeeyaan sidii dalka oo dhan looga dhigi lahaa meel ka caaggan argagixisada oo nabdoon.