Xag-jirnimadu waa in qof ama kooxu ku talax tagto waxa ay aaminsan tahay ilaa heer ay gaarto in dad kale ama naftooda dhib ka soo gaaro.
Shareecada islaamku way diidday xag jirnimda, waxa ayna ku baaqday in si dhex dhexaadnimo leh loo dhaqmo.
Kooxo badan oo sheegta in ay diin u dagaallamaan ayaa dunida ka jira sida Alqaacidda, Alshabaab, Booko Xaraam,Daacish iyo Daalibaan.
Kooxahani waxa ay dhibaatada ugu badan u geystaan muslimiinta iyagoo magaca diinta adeegsanaya.
Waxay qarxiyaan masaajidda, Suuqyada,iskuullada,Jaamacadaha iyo goobaha ay dadka raryidka ahi isugu yimaadaan. Waxay si fool xun u dilaan dadka aan ku qanacsaneyn afkaartooda iyo dhaqankooda iyagoo gaalo ku tilmaamaya.
Kooxaha xag jirka ahi ma lahan meel ay ku negaadaan ee waa ay duul duulaan.
Tusaale ahaan maleeshiyada Alshabaab waxay horay uga fallaagowday maxkamadihii islaamiga ahaa, ka dibna waxay ku biirtay Alqaacidda, haddana waxa ay ku kala qeybsan yihiin ku biirista Daacish.
barnaamijka Tubta Toosan oo arrintaa ku saabsan waxaa marti ku ah Sheikh Cabdullaahi Dalab, oo horay uga tirsanaan jiray Alshabaab, balse ka soo goostay markii uu ku qanci waayay afkaarahooda gurracan.