Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta & Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kuwait

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 16, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta & Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kuwait
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kuwait ee caasimadda dalka Kuwait, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo 6 maalmood ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025

Wasiir Maareeye waxaa safarka Kuwait ku wehliya mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdiraxiim Ciise Caddow iyo Agaasimaha Telefishanka Qaranka Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Alcadaala.

Booqashadan ayaa ka dambeysay markii uu wasiirku casuumaad rasmi ah ka helay wasiirka Warfaafinta Kuwait, Wasiiru dowlaha Dhallinyarada  mudane Salmaan Sabaax Alsaalim  Alxamuud Alsabaax.

In wafdigani uu joogo Kuwait waxa ay kulammo la yeelan doonaan madax raeer Kuwait ah , oo ay kala hadli doonaan iskaashhiga labada dal iyo labada wasaaradood iyo sidii loo xoojin lahaa.

Kuwait waxaa Soomaaliya kala dhexeeya xiriir soo jireen ah, waxa ayna ka mid tahay dalalka  taageerada siiya Soomaaliya.

Dowladda Kuwait ayaa dhistay Telefishankii Qaranka Soomaaliya, ka hor intii aysan dhicin dowladdii hore.

Booqashada Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ku tagay Kuwait, waxaa la filayaa in ay  waddada u xaarto iskaashi intii hore ka badan oo dhex mara labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait.

Previous Post

QM oo si kumeel gaar ah u joojisay qaxootiga Soomaalida ah ee kenya ka soo laabanaya

Next Post

Wasiirka Haweenka: Waxaa billowday Doodihii Shirka wada tashiga Baydhabo

Next Post
Wasiirka Haweenka: Waxaa billowday Doodihii Shirka wada tashiga Baydhabo

Wasiirka Haweenka: Waxaa billowday Doodihii Shirka wada tashiga Baydhabo

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda kulan kula qaatay Masuuliyiin...

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 25, 2025
0

Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda midnimada Qaran, xasilloonida siyaasadeed iyo dowlad-wanaagga loo dhan yahay, isla markaana mudnaanta la siinayo geedisocodka dowlad-dhiska...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In