Wednesday, August 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta & Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kuwait

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta & Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kuwait
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kuwait ee caasimadda dalka Kuwait, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo 6 maalmood ah.

Related posts

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026

Wasiir Maareeye waxaa safarka Kuwait ku wehliya mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdiraxiim Ciise Caddow iyo Agaasimaha Telefishanka Qaranka Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Alcadaala.

Booqashadan ayaa ka dambeysay markii uu wasiirku casuumaad rasmi ah ka helay wasiirka Warfaafinta Kuwait, Wasiiru dowlaha Dhallinyarada  mudane Salmaan Sabaax Alsaalim  Alxamuud Alsabaax.

In wafdigani uu joogo Kuwait waxa ay kulammo la yeelan doonaan madax raeer Kuwait ah , oo ay kala hadli doonaan iskaashhiga labada dal iyo labada wasaaradood iyo sidii loo xoojin lahaa.

Kuwait waxaa Soomaaliya kala dhexeeya xiriir soo jireen ah, waxa ayna ka mid tahay dalalka  taageerada siiya Soomaaliya.

Dowladda Kuwait ayaa dhistay Telefishankii Qaranka Soomaaliya, ka hor intii aysan dhicin dowladdii hore.

Booqashada Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ku tagay Kuwait, waxaa la filayaa in ay  waddada u xaarto iskaashi intii hore ka badan oo dhex mara labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait.

Previous Post

QM oo si kumeel gaar ah u joojisay qaxootiga Soomaalida ah ee kenya ka soo laabanaya

Next Post

Wasiirka Haweenka: Waxaa billowday Doodihii Shirka wada tashiga Baydhabo

Next Post
Wasiirka Haweenka: Waxaa billowday Doodihii Shirka wada tashiga Baydhabo

Wasiirka Haweenka: Waxaa billowday Doodihii Shirka wada tashiga Baydhabo

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo dhiggiisa dalka Masar, Badr Abdelatty, ayaa Talaadadii khadka taleefanka wada-hadal ku...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka Boqortooyada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In