Thursday, February 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: Argagixisada caalamku waa isku aragti, laakin magacyadooda ayaa kala duwan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: Argagixisada caalamku waa isku aragti, laakin magacyadooda ayaa kala duwan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kooxaha xagjirka ah eek a jira caalamka ay ka mideysan yihiin aragtida hase yeeshee ay ku kala duwanaan karaan uun magacyada, taas oo aan waxba ka beddeleynin dhibaatada iyo falalka argagixiso ee ay caalanka ka fulinayaan.

Related posts

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

February 26, 2026
Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

February 26, 2026

Wareysi uu siiyay wakaaladda Wararka ee AP isagoo ku sugan Dubai, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in Al-Qaacidda, Al-Shabaab iyo Daacish ay yihiin kooxo isku aragti ah laakin kaliya magacyada ku kala duwan, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in laga adkaado si looga badbaado khatartooda.

“Ugu dambenta natiijada kooxahani waa isku mid, waa inay wax burburiyaan, hadii ay wataan magaca al-Qaacida ama Daacish” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Ficilladooda iyo aragtidoodu waa isku mid, waxaa laga yaabaa mid kooxi ka dhib badan yahay kooxda kale” ayuu sii raaciyay.

Kooxda Al-Shabaab ee dagaallada dadka ay ku xasuuqayso ka waddo Soomaaliya iyo dalalka dariskeeda ah, ayaa horay u sheegtay inay la midowday Al-Qaacidda, Sidoo kale kooxdu waxay dhawaan shaacisay inay ku biirayso kooxda Daacish ee dhibaatooyinka ka wadda Ciraaq iyo Suuriya. Boko Haraam oo ka dagaallanta Nigeria ayaa ayaduna sheegtay inay xiriir la leedahay ama biirtay Daacish. Tallaabooyinaasi waxay caddeynayaan in kooxahaasi ay isku aragti yihiin laakin kaliya ay magacyda ku kala duwan yihiin.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay dhiggiisa Kuwait- SAWIRRO

Next Post

Guddoomiyaha gobolka oo ku baaqay in la xoojiyo bilic soo celinta caasimadda “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha gobolka oo ku baaqay in la xoojiyo bilic soo celinta caasimadda “SAWIRRO”

Guddoomiyaha gobolka oo ku baaqay in la xoojiyo bilic soo celinta caasimadda "SAWIRRO"

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

February 26, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka, kaas oo ay ka qeybgalayaan arday...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

February 26, 2026
0

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf Barre, ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay si gaar ah sanadkan...

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyeyaasha Talisyada Ciidanka, Kaaliyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In