Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda aadanaha Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo xirtay Tababar ku saabsan dhaqan gelinta heshiiska caalamiga ah ee dhowrista carruurta kaas oo ay ka qayb galeen wakiillo ka socday qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka ah iyo Culumaa,udiin.
Qaar ka mid ah Wakiillada Ururrada bulshada rayidka ah oo tababarka ka hadlay ayaa sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay ilaalinta Xuquuqda Carruurta.
Si doo kale culumaa,udiinkii tababarka ka hadlay ayaa tilmaamay in mudnaanta koowaad ee xuquuq siinta ay leeyihiin caruurta maadaama ay yihiin jiil soo kobcaya isla markaana loo baahanyahay in qofkasta uu waajib iska saaro
Agaasimaha Horumarinta Arrimaha qoyska ee wasaaradda haweenka Faadumo Maxamed Cali ayaa sheegtay in muhiimadda tababarkaan loo qabtay uu ahaa in farriin isku mid ah ay gaarto bulshada Soomaaliyeed taas oo ah in la dhowro xuquuqda Carruurta iyadoona soo xirtay tababarka.
Agaasimaha Abaabulka iyo Wacyi galinta Wasaaradda Haweenka Marwo Cadar Maxamed Cali ayaa dirtay baaq ku Aadanaa in la joojiyo colaadaha ka socda Magaalada Gaalkacyo taas oo ay wax ku noqonayaan sida ay sheegtay Carruur iyo Dumar.