Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Soomaaliya Ee Qadar Oo Kulan Dhiira Galin Ah U Sameysay Muwaadin U Dhaq dhaqaaqa Bulshada Dhibaateysan “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 1, 2015
in Wararka
0
Safaaradda Soomaaliya Ee Qadar Oo Kulan Dhiira Galin Ah U Sameysay Muwaadin U Dhaq dhaqaaqa Bulshada Dhibaateysan “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar ayaa kulan Balaaran oo dhiiri gelin ah u samaysay Cabdi Casiis Maaxi oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo ku caanbaxay inuu garab istaago dadka Soomaaliyeed ee Dhibaataysan iyo Dr: Cabdullah Zarouq oo kamida Dhakhaatiirta ka howl-gala isbitaalka weyn ee SIDRA, waxaana kulanka kasoo qayb galay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar, Masuuliyiin Xilal hore uga soo qabtay Dawlada soomaaliya, Abwaano iyo Waxgarad kale.

Mukhtaar Cali Yuusuf Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Qatar ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan Cabdicasiis Maaxi oo sheegay inuu ka mid yahay dadka sida gaarka ah uga dhex Muuqda bulshada, Wuxuuna alle uga baryey dadaalka uu wado, inuu ugu badalo wax wanaagsan, isagoo  sheegay in kulanka ay u qabteen in bulshadu ay wax ka ogaato, waxyaabaha ay horey ugu qabteen dadka Soomaaliyeed iyo waxa hada u qorshaysan.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

Cabdicasiis Maaxi oo kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyey waxyaabaha uu Bulshada soomaaliyeed u qabtay, Isagoona sheegay inuu ku bilaabay Sanadii 2006-dii Gabadh Soomaaliyeed oo dhibaataysan, Wuxuu Bulshada Soomaaliyeed usoo jeediyey inay is garabsadaan, wax kastana ay ku qabsan karaan Isku-duubni.

Dr: Cabdullah Zarouq oo ah dhakhtar u dhashay dalka Suudaan ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad isku xidhan oo Jecel Diintooda, sidoo kale wuxuu hadlay caruur Soomaaliyeed Isku dhegan, kuwaasi oo la qorshaynayo in dhowaan loo qaado Mareykanka, wuxuuna  sheegay intuu awoodo inuu ka qayb qaadan doono.

Ciid badal oo horey Soomaaliya ugu Fadhiyey QM ayaa siwayn ugu mahad celiyey Masuuliyiinta soo qaban qaabiyey Kulanka, isagoo ka hadlayey baahiyaha kala duwan ee ka jira Soomaaliya ayuu xusay inay tahay wax Lagu Faano inaad Bad-baadiso qof walaalkaa ah oo dhibaataysan.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar Cali Askar ayaa  sheegay in Jaaliyaddu ay tahay mida keliya ee ka badbaaday kala qaybsanaan, Wuxuuna soo Jeediyey inay Bulshada Soomaaliyeed Gacmaha Is qabsadaan.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Thailand iyo Findland, kalana hadley xoojinta xiriirka dalalkooda iyo Soomaaliya”Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Thailand iyo Findland, kalana hadley xoojinta xiriirka dalalkooda iyo Soomaaliya”Sawirro”

Madaxweynaha oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Thailand iyo Findland, kalana hadley xoojinta xiriirka dalalkooda iyo Soomaaliya"Sawirro"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In