Taliska ciidanka Militariga qaybta 21-aad ee fadhigoodu yahay magaalada Cadaado ayaa maanta waxaa la soo gaarsiiyay dawadii ugu horaysay oo ka timid taliska dhexe, taas oo loogu talagalay in lagu daweeyo ciidamada xanuunsanaya.
Daahir Cali Xasan oo ka mid ah hawlwadeenada dawayntan samaynaya ayaa radio Muqdisho u sheegay in isla maanta ay bilaabeen inay baaritaano u sameeyaan ciidanka iyaga oo jooga xarumohooda.
G/sare Xuseen Maxamuud Cosoble madaxa maamulka qaybta 21-aad ayaa wasaaradda gaashaandhigga, taliska Military-ga iyo agaasinka Isbitalka xoogga uga mahadceliyay kaalmada dawada ah ee maanta ka soo gaartay.
Taliska qaybta 21-aad ee Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in baahi loo qabo Isbital ay qaybtan yeelato si adeegga caafimaadka sare loogu qaado.