Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Al-Bashiir ayaa amar ku bixiyay in la furo xadka wadankiisu la wadaago Suudaanta Koonfureed taas oo xirneyd tan iyo 2011, kolkaas oo labada wadan ay kala go’een.
Talabaadan ayaa ka dambeysay markii maamuliyaasha Suudaanta Koofureed ay ciidankooda ka saareen fadhiisan ay ku lahaayeen xadka labada dal ay wadaagaan.
Muranka la xiriira soohdinta labada dowladood ayaa taagneyd tan iyo sanadkii 2012 xilligaas oo dagaal uu ku dhax maray deegaanka saliida ceegaagto ee Heglig.
Mr Bashiir ayaa saraakiisha dalkiisa waxaa uu amar ku siiyay in ay ka shaqeeyaan sidii mar kale dib loogu furi lahaa xadka ay ka wadaagaan Suudaanta Koofureed, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda.
Todobaadkii la soo dhaafay Madaxweyne Al-Bashiir ayaa ogolaaday in hoos loo dhigo lacagta laga qaado xukuumadda Jubba marka ay isticmaalayaan marinada dowladda Khartuum ee dhoofinta Shidaalka laga soo saaro Suudaanta Koofureed.
Suudaanta Koofureed ayay ku yaalaan goobaha laga soo saaro Shidaalka, hase yeeshee waxaa laga dhoofiyaa dekadaha dalka Suudaan.
Madax banaanada wadanka Suudaanta Koofureed ayaa ka dambeysay heshiiskii 2005 dowlada Suudaan ay la gashay jabhaddii uu hogaamin jirey John Grand ka dib 22 sano dagaal u dhaxeeyay jabhadaasi iyo xukuumadda Khartuum.
Markii ay madax banaanada hanteen sanadkii 2011 wixii ka dambeeyay ayaa wadankan cusub waxaa uu lugaha la sii galay dagaal sokeeye sanadkii 2013 ka, waxaana hadda dalkaasi isku haya taageeriyaasha Madaxweyne Kiir iyo ku xigeenkiisii Riek Machar.
Boqolaal kamid ah dadka dalkaasi ayaa u kala qaxay wadamada dariska ah oo ay ku jirto dalka Suudaan.
Soomaaliya oo ku biirtay Heshiiska QM ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan ee Caalamiga ah
Wasiirka Arrimaha Dibedda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska ay Soomaaliya ku biireyso Qaramada Midoobay...