Masโuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dooranayay gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka deegaanka Wargalo ee gobalka Mudug.
Munaasabada doorashada gudooomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka deegaanka Wargalo ee gobalka Mudug oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka socatay wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Galmudug iyo maamulka gobalka Mudug iyo bulshada ku nool deegaanka Wargalo ayaa lagu qabtay deegaankaasi
Bulshadii deegaanka Wargalo ayaana halkaasi waxa ay cod gacan taaga ku doorteen gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka deegaankaasi, iyagoona u doortay gudoomiyaha deegaankaasi Nuur faarax cumar gudoomiye ku xigeena u doortay Maxamed Axmed Jimcaale.
Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye, ayaa doorashada kadib ku dhawaaqay natiijada doorashada gudoomiyaha deegaanka Wargalo, Nuur Faarax Cumar oo isagu ahaa qofka kaliya ee isku soo sharaxay qabashada xilka.
Gudoomiyaha cusub ee deegaanka wargalo Nuur Faarax cumar oo isna madasha doorashada khudbad ka jeediyay ayaa balan qaaday inuu si cadaalad ah ugu adeegi doono bulshada reer Wargalo
Ugu dambeeyna Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye ayaa ku booriyay shacabka deegaanka Wargalo in ay la shaqeeyaan maamulka ay dooreteen
Dhismaha maamulka deegaanka Wargalo ayaa qeyb ka ah dadaalada wasaarada arimaha gudaha Galmudug ay ugu jirto dhameeystirka dhismaha maamulada degmooyinka iyo deegaanada Galmudug.