Shir looga hadlayay qaab dhismeedka ciidanka booliska soomaaliyeed oo uu ka soo qeyb galay wasiirka Amniga gudaha soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed, wasiirada Amniga maamul goboledyada’Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed’Taliyaha ciidanka CID-da, gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir, iyo wakiilo ka kala socday Hiiraan iyo Shabelada Dhexe ayaa galabta lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi.
Xiritaan shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul wadaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte’xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir iyo wasiiru dowlaha wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Maxamuud Cabdi Xasan (Bekos).
Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dowlada Soomaaliya’waxaana fududeeyay Qaramada midoobay iyo Midowga Afrika.
Sawir Qaade:-Cilmi Maxamed Waare