Deeqdan lacageed e ka timid qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada xukuumaddda Soomaaliya oo ay u soo wakiisheen wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Soomaaliya ayaa gaartay qoyskii ay ka geeriyootay hooyo, Isniino oo aheyd hooyo Soomaaliyeed oo ku dhimatay qaraxi dhowaan ka dhacay agagaarka taalada SYL oo ay geysteen falaagada Al-shabaab.
Xusseen Bashiir, oo ah aabaha dhalay carruurtaasi ayaa ka mahadceliyey deeqadani lacageed ee uga timid xubno ka mid ah golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadashay xildhibaan, Caasho Maxamuud Cumar (Caasha Koos) oo sheegtay in looga baahan yahay bulshada intooda wax heysta in ay caawiyaan carruurtaasi Soomaaliyeed si loo badbaadiyo mustaqbalkooda barri.
Ugu dambeynti wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, Muumino Sheekh cumar, oo wakiil ka aheyd lacagtaasi ayaa tilmaamtay in lacagtani ay iska soo urururiyeen qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada ayna gaartay halkii loogu talagalay.
Muumino ayaa sido kale balan qaaday in wasaaradda haweenka iyo hourmarinta xuquuqul aadanaha ay diyaar u tahay kaalinta waxbarashada carruurtaasi Soomaaliyeed.
Tan iyo markii qoyskaas Soomaaliyeed uu ku waayay hooyadiis qaraxii Al-shabaab ay la geysteen magaalada Muqdisho, ayaa bulshada Soomaaliyeed waxaa ay muujiyeen dareen arintaas,iyadoo hooyadaas ay ka geeriyootay todobo carruur oo ay ayada u shaqeyn jirtay.