Tuesday, February 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley furitaanka shir madaxeedka amniga Afrika

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley furitaanka shir madaxeedka amniga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bahir Dar, 16 April 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 5-aad ee Madasha Sare ee Amniga Qaaradda Afrika (Tana High-Level Forum on Security in Africa).

Shirkan ayaa waxyaabaha diiradda lagu saarayo waxaa ka mid ah waxqabadkii shantii sanno ee la soo dhaafey, xaaladda nabadgelyada iyo amniga ee Africa, doorka qaaradda ee amniga caalamka, iyo fikrado is-dhaafsi la xiriira tayeynta amniga iyo xalinta xasaradaha.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

February 17, 2026
Wasiirka Caafimaadka XFS oo kormeeray xarunta Kilya dhaqista iyo Bandhigga dhiigga Qaranka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kormeeray xarunta Kilya dhaqista iyo Bandhigga dhiigga Qaranka

February 17, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in madashan ay gogol xaar wanaagsan u tahay qaaradda Afrika inay mashaakilaadkeeda xal u hesho, kana wada shaqeyso la dagaalanka xagjirnimada, kala qoqobka shucuubta Afrika iyo in diiradda la saaro horumarka iyo iskaashiga caalamka intiisa kale.
Madasha Sare ee Amniga Africa, ayaa kulmisa hoggaamiyeyaasha Afrika,
laamaha iyo ururrada caalamiga ee dhanka amniga, khubarro iyo hay’ado kale.

Guddoomiyaha Madasha Sare ee Amniga Afrika, Olusegun A. Obasanjo oo ah Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, oo furitaanka kulanka ka hadley ayaa sheegay in Afrika aan looga maarmin inay door muuqda ku yeelato go’aaminta arrimaha amniga caalamka, maadaama ay leedahay muhimad dhaqaale, siyaasad iyo amni intaba.

Shirkan labada maalmood soconayaa ayaa dadka ka hadli doona waxaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha Africa, Xoghayihii hore ee Guud ee Qaramada Midoobay, Kofi Annan iyo diblomaasiyiin kale.

Previous Post

Ololaha wacyigalinta Biya nadiif ah oo Galkacyo ka billowday”SAWIRRO”

Next Post

Kulan looga hadlaayo dhismaha waddooyinka Kismaayo oo lagu qabtay magaaladaasi

Next Post
Kulan looga hadlaayo dhismaha waddooyinka Kismaayo oo lagu qabtay magaaladaasi

Kulan looga hadlaayo dhismaha waddooyinka Kismaayo oo lagu qabtay magaaladaasi

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

February 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ah maanta ku maamuusay xubnaha Madasha Mustaqbalka ee ajiibay...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kormeeray xarunta Kilya dhaqista iyo Bandhigga dhiigga Qaranka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kormeeray xarunta Kilya dhaqista iyo Bandhigga dhiigga Qaranka

February 17, 2026
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadam ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Qaran...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, oo la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Koonfurta Suudaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, oo la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Koonfurta Suudaan

February 17, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Muuse Jaamac Cali, Ergeyga Gaarka...

Shirka Wasiirada Maaliyadda oo Warmurtiyeed laga soo saaray

Shirka Wasiirada Maaliyadda oo Warmurtiyeed laga soo saaray

February 17, 2026
0

Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa warmurtiyeed ka soo saartay kulankii 24-aad ee Wasiirrada Maaliyadda heer Federaal, heer dowlad-goboleed iyo Maamulka Gobolka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In