Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya oo tababar loogu diray Talyaaniga “Sawirro”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya oo tababar loogu diray Talyaaniga “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta tababbar loogu qaaday dalka Talyaaniga, si ay halkaasi ugu qaataan tababbaro xirfadooda shaqo sare loogu qaadayo.

Saraakiisha tababbarka loogu qaaday dalka talyaaniga oo tiradoodu gaareyso 30 sareeyo, waxa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku sii sagootiyay Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka booliska.

Related posts

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

March 19, 2026

Saraakiisha tababbarka loo qaaday oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin in 25-sano kadib ay tababbar u aadaan dalka Talyaaniga.

Saraakiisha ayaa hadalkooda intaas ku daray “Aad baan ugu faraxsanahay safarka aan ugu baxeyno dalka Talyaaniga oo ah mid aqoon kororsi ah, oo aan fileyno inaan ka soo faa’iidi doono wax badan, runtii tan iyo markii uu yimid Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud”.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga fursadda ay saraakiishan u siisay inay aqoon kororsi ku soo qaataan magaalada Roma, waxaana uu kula dar daarmay saraakiisha inay ka faa’iideystaan fursadda ay heystaan oo waxyaabaha ay soo bartaanna ugu adeegaan bulshadooda.

“Waxaa sharaf noo ah inaan sagootino saraakiisha sare ee ciidanka booliska oo muddo tababbar ku soo qaadan doono magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga, arritan waxa ay ka dambeysay booqashadii aan ku tegay bishii hore dalka Talyaaniga oo aan kula soo kulmay dhigeyga” ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska oo hadalkiisa ku daray in tani ay qeyb ka tahay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadda ay leeyihiin ciidanka booliska.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa dadaal ugu jira sidii ciidanka booliska looga dhisi lahaa aqoontooda iyo xirfadaha kale ee ay leeyihiin.

A1 A3 A4 BH0A9618 BH0A9622 BH0A9640 BH0A9659

Previous Post

Heeska Howl qabad: Bulshooy qaranimada hano Bulshooy had iyo goor heegan noqo Bulshooy

Next Post

Maamulka gobolka Sh/dhexe oo kormeeray keli waraab dib loo dayactirayo+Sawirro

Next Post
Maamulka gobolka Sh/dhexe oo kormeeray keli waraab dib loo dayactirayo+Sawirro

Maamulka gobolka Sh/dhexe oo kormeeray keli waraab dib loo dayactirayo+Sawirro

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

March 19, 2026
0

Waxa aan hambalyo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga la wadaagayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Islaamka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

March 19, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ugu tegay cutubyo ka tirsan ciidamada oo ku sugan...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In