Wednesday, June 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IGAD oo Wasaaradda Gaadiidka ku wareejisay qalab laga maamulo cimilada dhanka duullimaadka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Gaadiidka iyo duuliska hawada ayaa qalab lagu maamulo cimilada dhanka duulimaadka waxaa ay kala wareegtay Urur goboleedka IGAD.

Munaasabad qalabkaasi lagula wareejinayay wasaaraddaasi  ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada, wasiir ku xigeenka wasaaradaasi, maareyahaya hey’ada duulista iyo saadaasha hawada, masuuliyiin ka socotay ururu gobeleedka IGAD iyo marti sharaf kale.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

June 23, 2026
DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda AricadeeyeARICADEEYE

June 23, 2026

Urur goboleedka IGAD ayaa dowladda Soomaaliya ugu deeqay qalabkan, waxaana qalabka ku wareejiyay wasiirka gaadiidka iyo duuliska hawada Soomaaliya Dr.  Guuleed Cartan oo ah agaasimaha hawada iyo beeraha ee urur goboleedka IGAD oo uu wehliyay wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed  Cabdi Afay.

Maareeyaha hey’adda duuliska saadaasha hawada ee Soomaaliya,C/waaxid  Axmed ayaa sheegay in qalabkaasi uu faa’iidooyin badan u leeyahay la socodka dhanka duulimaadka.

Dr Guuleed Cartan, oo ah agaasimaha hawada iyo beeraha urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in aysan noqon doonin markii u dambeysay oo ay qalab ku caawiyaan hey’adaha Soomaaliya, isagoo sidoo kale xusay in ay tababaro siin doonaan shaqaalaha qalabkan casriga ah ku shaqeyn doon.

Sidoo kale wakiilka uruka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, ayaa sheegay in Soomaaliya ay guul weyn u tahay in ay hesho qalab laga hago hawada Soomaaliya ee dhanka duulimaadka, isagoo tilmaamay in ay IGAD gacan ka geysan doonto xoojinta saadaasha hawada Soomaaliya..

Mudane Cali Axmed Jamac Jangeli, wasiirka gaadiidka iyo duuliska hawada Soomaaliya ayaa urur goboleedka IGAD ugu mahadceliyay taageerada ay u fidiyeen dowladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in qalabkan uu wax badan ku soo kordhin doono la socodka cimilada dhanka duulimaadka.

dowlada Soomaaliya ayaa gacanta ku heyso maamulida hawada Soomaaliya, iyadoo 20-kii sano ee lasoo dhaafay ay gacanta ku heysay hey’adda qaramada mdioobay u qaabilsan dhanka duulimaadka rayid ah ee loo soo gaabiyo ICAO.

Previous Post

Gudoomiye Jawaari oo ka qeybgalay kulan looga arrinsanayay sameynta sharciga doorashooyinka

Next Post

Hay’adda UNHCR oo kenya ka dalbatay inay ka laabato go’aankii ay gaartay

Next Post
Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Yemen Oo Xaalada Dhinaca Nolosha Ah Ka Cabanaya

Hay'adda UNHCR oo kenya ka dalbatay inay ka laabato go'aankii ay gaartay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

June 23, 2026
0

Muqdisho, 23 June, 2026: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa...

DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda AricadeeyeARICADEEYE

June 23, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay colaadda ka socota deegaanka Aricadeeye, taas...

DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

June 23, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay garab istaag iyo taageero buuxda u muujineysaa Dowladda...

DFS oo soo dhaweysay Is afgaradka u dhexeeya Dowladaha Mareykanka Iiraan

DFS oo soo dhaweysay Is afgaradka u dhexeeya Dowladaha Mareykanka Iiraan

June 23, 2026
0

Muqdisho, June 23, 2026: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa Isfahamka iyo Is afgaradka (Memorandum of Understanding) ee u dhexmaray...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In