Wednesday, August 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Tamarta oo u jeedisay shirkadaha korontada dalka in qiimo dhimis ay sameeyaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Tamarta oo u jeedisay shirkadaha korontada dalka in qiimo dhimis ay sameeyaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru dowlaha Wasaarada Tamarta iyo Kheyraatka Biyaha Sahro C/qaadir ayaa maanta kormeer ku tegtay xarunta shirkadda Korontada BECO oo ahayd xarunti hore ee Wakaaladda xoogga koronta, si loola socdo howlaha shirkaddu ay u heyso shacabka, islamarkaana masuuliyiinta Wasaaradu shirkada ay la wadaagaan baahiyaha bulshada ee dhinaca korontada.

Sahro C/qaadir Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraatka biyaha ayaa qeyb qeyb u kormeertay xarunta ugu weyn ee shirka BECO ee magaalada Muqdisho, iyada oo ay wehliyaan masuuliyiinta shirkada.

Related posts

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

August 26, 2026
Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

August 26, 2026

Madaxad Howlgalinta ee shirkada korontada ee BECO Cawil Tooxow Kheyre ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in masuuliyiinta Wasaaradda Tamarta ay arkaan howlaha kala duwan ee dhinaca korontada ah ee ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed.

“Runtii farxad ayey noo tahay iney nasoo gaarto Drs Sahro C/qaadir oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta, waxaan tusnay howlaha aan u heyno shacabka, waxyaabo badan ayey nala aragtay waana fileynaa in wax badan ay iyaduna nagu soo kordhin doonto”ayuu yiri Cawil Tooxow

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta ee xukuumada Soomaaliya Sahro C/qaadir ayaa sheegtay in masuuliyiinta shirkadda ay kala hadashay dhinacyo badan oo qeybna ay ka tahay sidii shirkadu qiimo dhimis ay ugu sameyn laheyd adeega koronto oo ay siiso bulshada si loola jaanqaado baahiyahooda.

“Waxan ka codsanayaa shirkadda in ay qiimo dhimis ku sameyso adeega korontada oo ay bixiso sababtoo ah dadkeena waxey u baahan yihiin in durufahooda la fahmo”ayay tiri Wasiiru dowlaha Wasaarada Tamarta.

Dadaalada loogu kuur galayo howlaha shaqo ee shirkadaha korontada BECO ayaa sahli kara in wax badan ay ka badasho qiimaha korontada oo dadka qaar ay ku tilmaameen in ay tahay mid aad u sareysa.

Previous Post

Mu’tamarkii 11-aad ee Ahlusunna Waljamaaca ee Qaarada Yurub oo lagu qabtay Sweden “SAWIRRO”

Next Post

Arday araga la’ oo la guddoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino

Next Post
 Arday gaaraysa 4,000 kun oo maanta u fariisatay imtixaan

Arday araga la' oo la guddoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

August 26, 2026
0

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed si ay uga wada hadlaan fursadaha ka jira...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

August 26, 2026
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya awoodihiisa Dastuuriga ah, kuna dhaqmaya sharciga doorashooyinka Qaranka, sharciga dhisidda Guddiga...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

August 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga...

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In