Muqdisho, 2 June 2016 (Villa Somalia) โ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeybgaley tukashada salaadda jannaasada ee labadii xildhibaan ee shaley ku dhintey weerarkii argagixiso ee ka dhacay Hotel Ambassador oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa tukashada salaadda jannaasada kadib u tacsiyeeyay qoysaska iyo ehelada marxuumiinta oo iyaguna goobjoog ahaa.
Waxaa tukashada salaaddan jannaasada sidoo kale ka qeybgaley, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Raโiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmaโarke, xubno ka tirsan labada gole, madaxda dowlad goboleedyada , masโuuliyiin iyo dadweyne.
Marxuumiinta ku naf waayey weerarkaasi waxashnimo ee kooxaha argagixisada ay geysteen ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.