Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa xalay wareegiiisa labaad tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka C/casiis Vs Gaalkacyo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Mudug, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.
Tartanka oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa tartamayaasha labada degmo waxa ay muujiyeen tartan wanaag oo ku dhisan aqlaaq iyo aqoon.
Natiijada tartankii dhexmaray xalay tartamayaasha degmooyinka C/casiis iyo Gaalkacyo waxey noqotay sidan:-
C/casiis
Tartamayaasha Degmada C/casiis sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo waxa ay iska qaldeen Afar, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen Labo su’aal oo soo hareermartay Gaalkacyo, Wadajir wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada C/casiis ay heleen waxay noqoneysaa 10 dhibcood (Toban dhibcood).
Gaalkacyo
Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal, su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Labo su’aal, halka ay iska qaldeen shan su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha degmada Gaalkacyo, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Gaalkacyo ka dhigeysaa inay heleen 4 dhibcood (Afar dhibcood)..
Hadaba kulankii 17aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka xalay waxaa wareegga saddexaad u soo gudbay tartamayaasha degmada C/casiis ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi,
Caawa oo ah habeenka 18aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Kismaayo iyo Kaaraan oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Benaadir.
Sawir Qaade;- Farxaan Suleymaan Daahir