Wednesday, February 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo booqday xeryaha Dhadhaab-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo booqday xeryaha Dhadhaab-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa manta booqday xerada Dhagaxleey oo ka mid ah xeryaha qaxootiga Dhadhaab, ayagoo la kulmay mas’uuliyiin tahay’adda UNHCR iyo hoggaamiyeyaasha qaxootiga Soomaalida ah ee xeryaha.

Danjire Jamaal, ayaa qaxootiga warbixinkasiiyay qaabka ay Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR qorsheeyeen in dalka dib loogu celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee go’aansada in ay laabtaan, ayadoo aysan jiri doonin dad qasab lagu celin doono.

Related posts

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

February 18, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

February 18, 2026

“Waxaan ku heshiinnay waa in dadkan la qasbin, oo ay ku laabtaan rabitaankooda, labada dowladood iyo UNHCR taas ayay isku ogyihiin” ayuu yiri Danjire Jamaal.

Dhinaca kale dadka ku nool xeryaha ayuu u sheegay in ay ka fekeraan sidii ay uga bixi lahaayeen nolosha qaxootinimada oo ay dalkooda ugu laaban lahaayeen si ay uga qeybqaataan horumarintiisa.

“Arrinta muhiimka ah waa in la ilaaliyo sharaftiina oo aan la idin qasbin, hase yeeshee waa in aad ka fekertaan noloshiina oo aad ka baxdaan qaxootinimada”.

 Wakiillada qaxootiga ayaa ka hadlay walaaca ay ku beertay warka ay warbaahintu sheegeyso ee ah in la xiri doono xeryaha, dadkana lagu daabuli doono dalkooda.

“Marka ay dowladda Soomaaliya iyo UNHCR noo sheegaan in qasab uu san jirin, haddana idaacadaha ayaan ka maqalnaa bil hebel waa la xirayaa xerada Dhadhaab, annagu waan laabanaynaa laakin ma aha in nala qaqabto” ayay tiri haweeneey ka mid ah horjoogayaasha xerada Dhadhaab.

Dhinaca kale, danjiraha iyo qunsulka oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta UNHR ayaa in ka badan kun qof u qeybiyay timir loogu talogalay in ay ku afuraan inta lagu gudajiro Ramadaanka.

Dadka ku nool Xerada Dhagaxleey ayaa aad u soo dhaweeyay safiirka iyo wafdigiisa, oo markii labaad inta lagu jiro bisha Ramadan soo booqday xeryaha qaxootiga ee Dhabaab.

13508893_10201928542092766_4194839294443477549_n 13528995_10201928542052765_6359334451012268001_n

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Previous Post

Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka Belgium

Next Post

Madaxweynaha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee Mauritania+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee Mauritania+Sawirro

Madaxweynaha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee Mauritania+Sawirro

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

February 18, 2026
0

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan u dhexeeyay safiirrada dalalka Carabta ee fadhigoodu yahay Koonfur Afrika iyo...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

February 18, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska Guud ee Ciidanka...

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

February 18, 2026
0

Buurhakaba, Baay – Boqol qoys oo ka mid ah dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay...

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

February 18, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay saacadaha shaqada inta lagu jiro bisha barakeysan ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In