Sunday, April 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee Mauritania+Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee Mauritania+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania, Mudane Isselkou Ould Ahmed Izid Bih, oo dalka booqasho ku jooga.

Wasiirka ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay martiqaad uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania, Mohamed Ould Abdel Aziz, kuna saabsan ka qeybgalka Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta oo dhammaadka bisha dambe ka dhici doona magaalada Nouakchott.

Related posts

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqbaley martiqaadkaasi isagoo sheegay in Soomaaliya uu shirkaasi muhiim u yahay, ayna ka qeybgeli doonto. Waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka codsadey Wasiirka inuu salaan qiimo badan ka gaarsiiyo Madaxweyne Ould Abdel Aziz.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Mauritaniam Mudane Ahmed Izid Bih, ayaa sheegay in dalkiisu oo markii ugu horeysay martigelinayaa shir madaxeedkan uu xoogga saarayo in ajendayaasha ugu waaweyn ee laga doodi doono ay arrimaha Soomaaliya ka mid noqoto, isla markaana ku boorrin doonaan waddamada Carabta inay gacan weyn ka geystaan taageerada ay Soomaaliya u baahan tahay.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Khaalid Cumar Cali iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socotey.

b95b320d-f14f-4d91-be53-4d8dd9b4ac8d-1 c70fd365-49ec-42d0-9aff-44d4b46fd1de-1 d6c73534-4100-4919-8cb1-452e2d891ed5-1 d6c73534-4100-4919-8cb1-452e2d891ed5-640x427 dec221c3-4f7b-416a-9c62-fd5a932c8c2f-1

Previous Post

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo booqday xeryaha Dhadhaab-Sawirro

Next Post

Wasaaradda Tamarta oo sheegtay in 15 cisho la dhimo qiimaha biyaha ee Muqdisho

Next Post
Wasaaradda Tamarta oo sheegtay in 15 cisho la dhimo qiimaha biyaha ee Muqdisho

Wasaaradda Tamarta oo sheegtay in 15 cisho la dhimo qiimaha biyaha ee Muqdisho

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid safiirka ay Israa'iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland,tallaabadaas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali...

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka KGS oo qayb galay munaasabadda dhaarinta Wasiirka Cusub ee Beeraha

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka KGS oo qayb galay munaasabadda dhaarinta Wasiirka Cusub ee Beeraha

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay munaasabad...

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dowladda Qatar, Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Jamhuuriyadda Suudaan, Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In