Monday, February 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka uu safiir cusub u soo diri doona Soomaaliya

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Dowladda Mareykanka oo shaacisay inay dib u bilaabeyso howlihii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Mareykanka ayaa buuxisay maranaanshihii xagga diblomaasiyadda ee Soomaaliya ay la laheyd, kadib markii Isniintii la dhaariyay safiirkii ugu horeeyay ee Mareykanka uu u soo diro Soomaaliya muddo ka badan 25 sano.

Danjire Stephen Schwartz, ayaa lagu dhaariyay magaalada Washington in uu noqdo safiirka Mareykanka u qaabilsanaan doona Soomaaliya kadib markii senat-ka ay meel mariyeen bishii May.

Related posts

Muxuu Salka ku hayay Weerarkii Shabaabku ku qaadeen Jabad Godane?

Muxuu Salka ku hayay Weerarkii Shabaabku ku qaadeen Jabad Godane?

February 9, 2026
Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

February 9, 2026

“Ma jiro qof naga mid ah oo ku kadshooma caqabadaha horyaala Soomaaliya, caqabadaha Soomaaliya ka jira ayaa waxaa kamid ah hanaanka siyaasadda dadaalada xasilinta soo kabashada dhaqaalaha  iyo dagaalka lagula jiro  kooxaha argagaxisadachallenges,” sidaasi waxaa sheegay kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda Anthony Blinken,  oo dhaarinta danjire Schwartz. Si kastaba, Soomaaliya ayaa sameysay horumar  isla markaana madaxda Soomaaliya ayaa u arka ahmiyadda koritaanka nabadda iyo xasiloonida.

Arimaha kale muhiimka u ah Soomaaliya ayaa ah in la kordhinyo xiriirka diblomaasiyadda.

“Waa waqtigii madaxda Soomaalida ay dhisi lahaayeen ciidan qaranka oo ah mid waxtar iyo awoodba leh si meesha looga saaro kooxda Al-shabaab,”  ayuu yiri Schwartz.

Magacaabista danjire Schwartz  ayaa ka dambeysay markii booqaso aan horey loo shaacin uu Soomaaliya ku tagay xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry, taas oo aheyd booqashadii ugu horeysay oo xoghaye arimo dibadeed Mareykanka ah uu ku tago Soomaaliya.

Intii uu ku guda jirey booqashadiisa May dii la soo dhaafay,  ayuu Mr. Kerry uu u muujiyay Soomaaliya in la soo celin doono xiriirkii labada dhinac ka dhaxeeyay.

Mareykanka ayaa diblomaasiyiintiisa kala baxay Soomaaliya sanadkii 1993 kolkaas oo maleeshiyaad hubeysan ay dagaal magaalada Muqdisho kula galeen ciidankii Maryeknka ee Soomaaliya joogay waxaana la soo ridey labo diyaaradood isla markaana la diley 18 kamid ah ciidanka Mareykanka.

Iyadoo wixii markaa ka dambeeyay uu dalka galay qalalaase keentay in ay abuurmaan kooxaha sida Al-shabab inkastoo sanadihii u dambeeyay laga saaray magaalooyin waa weyn ee Soomaaliya kamid ah.

Muddo sano ah Mareykanka ayaa Soomaliya ku bixinayay malaayiin dollar kuwaas oo lagula tacaalayay abaaraha, falalka burcad badeeda iyo kooxaha argagaxisada ee Al-shabab.

Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u aqoonsaday dowladda Soomaaliya sanadkii 2013.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama  horey ugu magacaabay Soomaaliya  Katherine Simonds Dhanini  in ay noqoto safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, hase yeeshee ayada ayaa sikeed u go’aansatay in ay xilkaas iska casisho sababo shakhsiyadeed uu u gaar ah.

Danjire Stephen Schwartz, ayaa ah sarkaal sare uu ka tirsan waaxda arimaha dibadda ee Mareykanka waxaa uu soo noqday ku xigeenkii ergada Mareykanka ee dalka  Zambia,  waxaana lagu bedeli doonaa James Bishop.

Xigasho: VOA

Previous Post

Guddiga tartan cilmiyeedka oo go’aamiyay in la isku celiyo tartamayaasha Wadajir iyo Yaaqshiid

Next Post

Madaxweynaha oo afur u sameeyay danjirayaasha wadamada muslimka ah ee Soomaaliya jooga-Sawirro

Next Post
Madaxweynaha oo afur u sameeyay danjirayaasha wadamada muslimka ah ee Soomaaliya jooga-Sawirro

Madaxweynaha oo afur u sameeyay danjirayaasha wadamada muslimka ah ee Soomaaliya jooga-Sawirro

Muxuu Salka ku hayay Weerarkii Shabaabku ku qaadeen Jabad Godane?

Muxuu Salka ku hayay Weerarkii Shabaabku ku qaadeen Jabad Godane?

February 9, 2026
0

Yuusuf Kaba Kutukade oo ah Ninka kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ugu magacaaban Gobalka Sh/ Dhaxe oo ka hadalayay Duqentii...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

February 9, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad ee Gobolka Bakool, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi amni

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi amni

February 9, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa heshiis iskaashi ciidan la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sucuudiga, Sumuwal Amiir...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: ‘W𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐜𝐥𝐢𝐢𝐧 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: ‘W𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐜𝐥𝐢𝐢𝐧 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐚”

February 8, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa daahfuray Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka, oo sannadkan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In