Culuma udiinka iyo qeybaha kala duwan bulshada ku nool magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa si kulul uga hadlay weerarkii dhawaan qof nafti halige ahi uu ka gaystay Magaalada Madiina Almunawara kasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad muslimiin ah kuwaasoo ka agdhawaa goobta qaraxa ismiidaaminta ah uu ka dhacay.
Gudoomiyihii hore ee maxkamada sare ee Galmudug Sh Axmed Sh Yuusuf Jimcaale (Sheekh Ilka dahab) oo wareysi gaara siiyay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa falkaasi ku tilmaamay mid aad u fool xun oo loo baahan yahay in dadka muslimiintaa ee ku nool daafaha caalamka ay ka dhiidhiyaan sidoo kalana ugu baaqay boqartooyada sucuudi carabiya in ay adkeeyaan amaanka Masjidka Nabiga iyo meel kasta oo muslimiintu ku cibaadeeystaan ee ku taala dalkaasi boqartooyada sucuudiga.
Dhanka kale Sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay dalalka waaweeyn islaamku ineey arintaasi ka dhiidhiiyaan waxaana uu ku tilmaamay mid khatar ku ah jiritaanka islaamka haddii aan wax laga qaban ama aan laga hortagin kuwa soo abaabulay falkaan iyo kuwa la midka ah ee ka dhacaya dunida islaamka
Sidoo kale qaar ka mid ah culuma’udiinka waxgaradka iyo dhalinyarada ku nool magaalada Galkacyo oo la hadlay warbaahinta Qaranka soomaaliyeed ayaa iyaguna falkaasi ku tilmaamay mid aad uxun isla markaana aan loo dulqaadan Karin loona baahan yahay in laga dhiidhiyo isla markaana shucuubta islaamku ay iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa qatarta argagixisada.
Cabdi Risaaq Maxamed Axmed (C/risaaq Galkacyo)