Shirkaan jaraa’id oo ay maanta Muqdisho ku qabteen qaar ka mid culimaa’u diinka Soomaaliyed ayaa waxa ay soo saaren bayaan ay ku cambaareynayaan qaraxii ka dhacay meel u dhaw masjidka Nebi Muxammad (NNKH) ee magalada Madiina dalka Boqortooyada Sacuudiga iyo ficilada guracan ay argagixisadu u maleegayaan Ummadda Islaamka.
Shirka jaraa’id ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha hey’adda Culimada Soomaaliyeed, Afhayeenka Golaha Culimada Soomaaliyeed, guddoomiyaha majmaca culimada Soomaaliyeed iyo culimaa’udiin kale, waxaana bayaanka saxaafadda u akhriyay Sheekh Cabdullaahi Axmed Garuun.
Guddoomiyah hey’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Sheekh Yuusuf Cali Ceynte iyo Afhayeenka golaha Culumaa’udiinka Sheekh Cabdiqaadir Soomow ayaa si wadajir ah u cambaareyay qaraxii ka dhacay meel u dhaw masjidka Nebi Muxammad (NNKH) ee magaalada Madiina, iyagoo dhinaca kale bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka soo qeybgalaan isu soo bax ka dhici doono maalinta Isniinta ah barxada masjidka Isbaheysiga Islaamka oo lagu cambaarenayo qarxii ka dhacay magaalada Madiina ee dalka boqortooyada Sacuudiga.