Kooxda Kubadda Cagta ee Heegan ayaa soo bandhigtay tababare cusub kas oo leylin doono kooxda xilli ciyaareedka soo socda.
Tababare Sheekh Saalax ayaa isaga tagay kooxda Heegan markii naadiga Ciidanka Booliska uu ku hagay kaalinta afraad xilli ciyaareedkii soo dhamaaday.
Macallinka cusub ayaa lagu magacaabaa Felix Nwosu waxaana uu u dhashay Dalka Nigeria, iyadoo Maamulka kooxda ay si rasmi ah u soo bandhigeen isaga iyo saxiixyada cusub ee naadiga, kadib markii uu isaga tegay tababarihii hore ee Naadiga Sheekh Saalax.
Tababaraha reer Nigeria ayaa maanta durba bilaabay shaqadii kooxda, isagoo bixiyay tababarkii ugu horreeyay, waxaana ciyaartooyda kooxda ay ahaayeen kuwo dhamaantood u wada riyaaqay tababarka macallinkaan cusub.
Felix Nwosu ayaa ka mid ahaa daafacyadii ugu wanaagsanaa ee soo maray taariikhda kooxda Gor Mahia, waxaana xusid mudan in wargeysyada ugu waa weyn Qaaradda Afrika ay hadal hayaan arrinta tababarahan.
Macallinkani waa kii seddexaad oo Ajanabi ah isla markaana qabta koox ka ciyaarta heerka koowaad ee Soomaaliya kaddib bur burkii dalka ka dhacay, waxaana ka horreeyay Mbalangu Hussein oo leyliya Banaadir iyo Edward Karanja oo kooxda Gaadiidka ah.
Xiddigaha ay la soo wareegtay kooxda Heegan waxaa ka mid ah:-
Mahad Saha Kooxda Saxafi
Asad Abalaceey, Muqdisho FC
Mahad Cali Beerey, Muqdisho FC
Cali Xabad, Muqdisho FC
C/risaaq, Muqdisho FC
C/qani Buule Abgaaloow, Kooxda Saxafi