Friday, June 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha J. F. S. oo si kulul u cambaareeyay weerarkii ka dhacay dalka Faransiiska

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Su’aal ma u qabtaa madaxweynaha Soomaaliya?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuryada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska.

Madaxweynaha ayaa weerarkaasi ku tilmaamay fal argagixiso oo waxashnimo ah, wuxuun dhiggiisa dalkaasi uga tacsiyeeyay mashaqadaasi ka dhacday dalkiisa, isagoo tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba ay la xanuunsanayaan dowladda iyo dadka reer Faransa.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan ummadda Soomaaliyeed waxaan ka tacsiyeeynayaa dadkii ku geeriyooday weerarkaasi lagu laayay dad rayid ah oo aan waxba galabsan, si gaar ah waxaan ugu tacsiyeeyneynaa ehelada iyo qoysaska ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday falkii ka dhacay magaalada Nice” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa intaasi raaciyay in argagixisadu ay ka soo horjeeddo horumarka iyo ilbaxnimada dhamaan ummadaha ku nool caalamka, isagoo hoosta ka xariiqay in lagama maarmaan ay tahay in caalamku meel uga soo wada jeesto la dagaallanka kooxaha argagixisada ah.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay iney si adag ula dagaalanto kooxaha argagixisada, oo uu ku tilmaamay iney yihiin cadow caalami ah, wuxuuna ku taliyay inaan la dhayeelsan halista argagixisada oo si caalami ah loola dagaalamo.

Tirada dadka ku geeryooday weerarkaasi ka dhacay magaalada Nice ayaa gaartay 84 qofood.

 

Previous Post

Madaxweynaha oo furay tartanka ciyaaraha gobollada dalka+Sawirro

Next Post

Madaxweynaha oo cambaareeyay isku day afgambi oo dhicisoobay

Next Post
Madaxweynaha oo la kulmay Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Madaxweynaha oo cambaareeyay isku day afgambi oo dhicisoobay

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In