Labada dal Jabuuti iyo China ayaa kala saxiixday heshiis mashruuc ku saabsan iskaashiga arrimha khadka Tareen oo isku xiraya Jabuutii iyo Ethiopia.
Khadkasi Tareen oo dhismihiisa Qandaraas lagu siyay Shirkad China ah, waxa si rasmi ah howshiisa loo guda geli doonaa bishan aynu ku jirno.
Dhinaca Jabuuti, waxaa heshiiskaasi u saxiixay Wasiirka Ganacsiga iyo Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Duwaal oo hadda booqasho ku jooga magalada Pakiin ee casimadda dalka China, halka dhinaca China u isna u saxiixay Masu’ul sare oo ka tirsan dalkaasi.
Wafdiga Jabuuti ee booqanaya China, waxay kaloo kulan la qaateen R/wasare ku xigeenka China, waxayna ka wada hadleen horumrinta Cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal.
Marka uu hirrgalo mashruucaasi dhismaha khadka Tareen ee isku xiraya Jabuuti iyo Ethiopia, waxa u door muhim ah ka qaadan doonaan horumarinta dhaqaalaha ka sokow isku gubinta badeecadaha iyo socodalka dadka ee Jabuuti iyo Ethiopia.
-Mukhtaar-