Monday, December 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Badeecado dhacay oo lagu qabtay dekadda Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Badeecado dhacay oo lagu qabtay dekadda Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay badeecado dhacay oo u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed, taasoo la doonayay in lagu iibiyo suuqyada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dekedda Muqdisho,ayaa SONNA u sheegay inay badeecadan oo isugu jirtay Buskut,Nacnac,iyo Dawooyin waqtigii isticmaalka dhaafay, ay xabsiga u taxaabeen raggii watay.

Related posts

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo wershedaha dowladda federaalka Soomaaliya, Eng;C/rashiid Maxamed Axmed oo halkaasi saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in ganacsatada qaar ay mar mar dalka soo geliyaan badeecoyin dhacday,wuxuuna arrintaasi ku tilmaamay fal dambiyeed laga galay bulshada.

Wasiirka,ayaa ku boorriyay ganacsatada qaar inay sharuucda dalka ilaaliyaan, dowladdana kala shaqeeyaan koontaroolka badeecadaha ay dalka soo gelinayaan, isagoo ganacsatada qaar ku ammaanay iney u hogaansanyihiin shuruucda dowladda ayana keenaan badeecaddo tayo leh.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa in ay gacan nagu siiyaan in aan isla ilaalino tayada badeecadaha dalka soo galaya  iyo kuwa ka dhoofaya taana waxaa fure u ah in aanu wada xoojinno hay’adda qaabbilsan koontaroolka tayada badeecooyinka ee BGM”ayuu yiri wasiirka .

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr; Axmed Cali Daahir  ayaa amray in la ciqaabo dadka ku howlan ka ganacsiga badeecooyinka dhacay,kuwaasoo ay ku jiraan ragga maanta soo dejiyay badeecadaha dhacday.

“Hay’adaha sharciga waxan farayaa cid kasta oo ku lug yeelata faldambiyeedyada noocan ah, kii soo dejiyay iyo intii kala qayb qaadatay dhamaantood waa dambiilayaal  waana in sharciga la horkeenaa “ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir.

Dek5 Dek1 Dek3 Dek4 Dek6

Previous Post

Daawo Sawirrada: Gudoomiyaha cusub ee degmada Dharkeynleey oo maanta xilka la wareegay

Next Post

Dhageyso: Warka Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: Warka Radio Muqdisho

Dhageyso: Warka Radio Muqdisho

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta isbitaalka Digfeer ku booqday dadkii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In