Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdala Xuseen Cali ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA u xaqiijiyay in Duleedka Deegaanka NO.50 oo ka Tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose lagu qaarijiyay 14 ka tirsan AL-Shabaab oo isugu jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad.
Wasiir Cabdala ayaa sidoo kale sheegay in Maleeshiyaadka la qaarijiyay ay qorsheynaayeen in ay Weeraro ka geestaan Deegaana ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose lagana furtay Hub fara badan ,islamarkaana laga gubay Gaarikagii ay Wateen Kooxdaasi.
Ugu dambeyn Wasiirk ku-xigeenka Difaaca Soomaaliya ayaa Dadka ku dhaqan Deegaankaas ugu Mahadceliyay Sida ay ula shaqeeyeen Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ,Islamarkaana ay ugu soo gudbiyeen Xogaha ku saabsan Maleeshiyaadkaasi ka tirsan Kooxda Alshabaab.