Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo xarigga ka jaray dhismaha wasaaradda Maaliyadda+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha oo xarigga ka jaray dhismaha wasaaradda Maaliyadda+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha J. Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha wasaaradda Maaliyadda oo ka kooban dhowr dabaq oo si casri ah loo dhisay, isagoo kormeerray qeybaha xaruntaasi ay ka koobantahay.

Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay wasiirro, Duqa Muqdisho, taliliyeyaasha ciidanka iyo ganacsato Soomaaliyeed oo ah kuwa bixiyay qaar ka mid ah canshruucta lagu dhisay dhismaha.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo agaasimaha mashaariicda wasaaraddaasi ayaa qiray in horumar weyn oo dhanka dib u habeynta shaqaalaha iyo xarumaha  shaqo ee wasaaradda Maaliyadda la sameeyey, tallaabadaasina ay daliil u tahay dhismaha uu madaxweynaha xarigga ka jaray.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise, ayaa hoosta ka xariiqay in nidaam maaliyadeed oo deggan isla markaana la jaan-qaadi kara kuwa caalamka Soomaaliya ay yeelatay.

Wasiirka Maaliyadda Maxamad Ibraahin “Fargeti” ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay dadaal balaaran ugu jirto sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka, wuxuuna dhismaha xarunta wasaaradda ku tilmaamay guul isoo hoyatay ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho Yusuf  Xuseen Jimcaale, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ku dadaallaan bixinta canshuurta, waxaa la dhisay waddooyin laami ah oo ay ku baxday Afar Milyan oo dollar oo ka timid mashruuca dalkaaga dhiso waa hantidada dadka Soomaaliyeed ee gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in mid ka mid ah Lixdii tiir ee ay ku dhisneyd dowladdiisa uu yahay horumarka iyo dib u habeynta siyaasadda Maaliyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay gaartay nidaamka Tiknoolajiyadda Maaliyaddeed ee dunida ay ku shaqeyso, waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay soo gabogabeysay tijaabadii uu caalamka geliyey oo haddii ay dhammaato dalka laga cafin doono lacago deymo ah oo gaaraya Shan Bilyan oo dollar.

Ugu dambeyntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa  mar kale ugu baaqay shacabkiisa in ay isku tashadaan oo ay u midoobaan sidii ay dalkooda u dhisan lahaayeen.

 

IMG_0003 IMG_0011 IMG_0012 IMG_0013 IMG_0014 IMG_0016 IMG_0021 IMG_0081 IMG_0083 IMG_0084 IMG_0085 IMG_0140

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Soomaaliya oo saxiixday cahdiga ka mid noqoshada Ururka IORA+Sawirro

Next Post
Soomaaliya oo saxiixday cahdiga ka mid noqoshada Ururka IORA+Sawirro

Soomaaliya oo saxiixday cahdiga ka mid noqoshada Ururka IORA+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In