Milishiyaadka Shiicada ee Waddanka Ciraaq ayaa sheegay in ay ka bilaabeen weerar Galbeedka magaalada Mousel, iyaga oo furay marin kale oo looga saarayo kooxda isku magacawday Daacish, magaalada labaad ee ugu weyn waddanka Ciraaq, ee Mousel .
Isbaheeysiga Milishiyaadka ee loo yaqaan midowga isbaheeysiga Shacabka Ciraaq oo aan door wacan ka qadan dagaalka looga soo horjeedo kooxaha argagixisada ah ayaa maalintii shalay ahayd waxa ay dhigeen wacdaro.
Afhayeenka isbaheeysigaasi Axmed Al Asadi ayaa shir jaraa’id qabtay, waxaana uu sheegay in todoba saac gudaheed dagaal ay kula jireen kooxda Daacish ay uga qabsadeen ilaa toban xaafadood oo markii hore maamuli jireen kooxdaasi argagixisada ah ee Daacish
Marin cusub oo ay daah fureen Milishiyaadkaasi shiicada ah ayaa la rumeeysan yahay in ay tahay halbowlaha kooxdaasi Daacish oo qiimo weeyn ugu fadhiday,dhinaca kale haddii laga eego waxa laga qabsaday meelo istiraatiiji ah oo dhabar jab ku rideeysa kooxdaasi Daacish.
Xoogagga Milishiyaadka ee hor kacaya dagaalkaasi ayaa wada qorshe ay ku doonayaan in ay jaraan, wadada isku xirta Mousel iyo dalka Syria, si aanay u helin gurmad kooxdaasi Daacish.
Howlgalada Militeri ee ay wadaan Milishiyaadka shiicada ayaa qorshahooda uu yahay in ay hareereeyaan magalaadaasi Mousel, si kooxaha argagixisada ah ayan u helin sahayda militeri iyo rasaasta.