Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 8aad” Akhriso+Dhageyso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 7, 2016
in Maqaallo, Wararka, Wararka Raadiyahaa, Xulashada
0
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 8aad” Akhriso+Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025

Laga bilaabo 21 Oktoobar 1969 markii ay saacaddu ahayd 03:00 habeennimo waxay CQS caddeeyeen in ay laaleen Dastuurka iyo dhamaan awoodihii dawladda oo Dastuurku bixiyey. Kuwaas oo ay ka mid yihiin awooddii Sharcidejinta ee Baarlamaanka, awoodii Laanta Garsoorka iyo awoodii laanta fulinta, doorashooyinka, axsaabta siyaasadeed, ururrada shaqaalaha iwm. Waxaa bilowday 10 sano oo dalku dastuur la’aan aha, waxaana loo diyaarinaayey in lagu dhaqo nidaamka hantiwadaagga Guddoonka Dhexe. 21-kii Oktoobar 1969 waxaa la soo saaraya warqaddi 1-aad ee Kacaanka 21 Oktoobar 1969 oo kala qeexeysay siyaasadda arrimaha gudaha iyo arrimaha dibadda:

LA PRIMA CARTA DELLA RIVOLUZIONE D’OTTOBRE 1969

PROGRAMMA POLITICO –

WARQADDA 1-AAD EE KACAANKA OKTOOBAR 1969

BARNAAMIJ-SIYAASADEEDKA

THE FIRST CHARTER OF THE OCTOBER REVOLUTION 1969

POLITICAL PROGRAM

Italian (Original)

Somali translation (unofficial)

English translation (unofficial)

Politica Interna Siyaasadda Gudaha Internal Policy

  1. Costitutire una societa basata sul lavoro e sul principiodella giustizia sociale, considerando le particolarita’ dell’ambiente e le considzioni del somalo

  1. In la abaabulo bulsho ku dhisan shaqo iyo mabda’a cadaalad bulshadeed, iyadoo la qaddarinaayo bay’adda iyo xaaladaha Shacbiga Soomaaliyeed;

  1. To constitute a society based on work and on the principle of social justice, considering the environment and conditions of the Somali People;

  1. Preparare ed orientare lo sviluppo economic sociale e cultural per raggiuungere unrapido progresso del paese

  1. In la diyaariyo lana hagaajiyo horumarinta dhaqaalaha, bulshada iyo dhaqanka si loo gaaro horukac degdeg ah;

  1. To prepare and orient the economic, social and cultural development in order to achieve a rapid progress

  1. Liquidare l’analfebetismo e sviluppare il patrimonio cultural del popolo somalo

  1. In la ciribtiro wax-akhris-qoris-la’aanta lana hormariyo dhaqanka soomaaliyeed ee hodanka ah;

  1. To liquidate analphabetism and develop the cultural treasure of the Somali people

  1. Costitutire,, con priorita’, le condizione di base per la scrittura della lingua somala

  1. In si degdeg ah oo horetebin leh loo abuuro duruufaha gundhigga ah ee suurtagelinaya qorista farta Af-Soomaaliga;

  1. To constitute and with priority, the basic condition for the Somali language script

  1. Liquidare la corruzione, l’anarchia, il tribalismo, ed ogni altra fenomeno di malcostume sociale nell’attivita statale;

  1. In hawlgallada iyo maamul-dowladeedka laga ciribtiro musuqmaasuqa, xukunka fawdiga, qabiileysiga iyo wax walboo loo arko dhqan xumo bulshadeed ama leh ifafaalo ku faddaro ah dhaqan-bulshadeedka;

  1. To liquidate the corruption, the anarchy and any other phenomenon of social malpractice in the state activities

  1. Abolire I partiti politici

  1. In la baabi’iyo axzaabta Siyaasadeed;

  1. To abolish the political parties

  1. Indire nel momento opportune, un’elezione popolare con assoluta imparzialita’

  1. In Goortii habboonaato shacbiga loo abaajiyo doorashada dadweyne caadil ah oo ka maran eex iyo qof-jeclaysi.

  1. To call the appropriate time for popular election with absolute impartiality

Politica Estera

Siyaasadda Dibadda

The Foreign Policy

  1. Appoggiare la solidarieta internazionale ed i movimenti di liberazione nazionale.

  1. In la taageero isbahaysiga Caalamiga ah iyo dhaqdhaaqyada gobannimodoonka ah ee u halgama madaxbannaanida umadahooda.

  1. To support the International solidarity and the national liberation movements

  1. Lottare contro ogni forma di colonialismo e neocolonialismo

  1. In lala dagaallamo qaab kastoo gumeysi ah iyo gumeysiga cusub.

  1. To fight against any form of colonialism or neocolonialism

  1. Lottare per l’unita’ della nazione somala

  1. In loo dagaallamo midnimada umadda Soomaaliga.

  1. To fight for the unity of the Somali Nation

  1. Riconoscere pienamente il principio della coesistenza pacifica per tutti i popoli

  1. In si buuxda loo aqoonsado mabda’a nabad-ku-wada-noolaashada shucuubta dunida ku wada nool oo dhan.

  1. To fully recognize the principle of peaceful coexistence for all the peoples.

  1. Proseguire la via della politica della neutralita positive

  1. In la higsado siyaasadda dhexdhexaadka ah ee wax-ku-oolka ah;

  1. To follow the policy of positive neutrality.

  1. Rispettare e riconoscere tutti gli impegni internazionali precedentemente conclusi della Republica Somala

  1. In la xurmeeyo lana aqoonsado dhammaan ballanqaadyada iyo heshiisyada caalamiga ah ee ay Jumhuuriyaddii Soomaaliya horey usoo gashay.

  1. To respect and recognize all the international commitments undertaken by (the former) Somali Republic

SECOND CHARTER OF THE REVOLUTION

(Caxdiga ama Xaashida labaad ee Kacaanka)

(Published on B.U. Suppl. N.1 al n 4 del 4 April 1971)

(Waxaa lagu soo saaray Faafinta Rasmiga ah, cadadka Lam. 1 ilaa Lam 4 ee 4 Abriil 1971)

Hal sano markii ay kasoo wareegtay dhalashadii kacaanka 21 Oktoobar, Golihii Saree e Kacaanka wuxuu soo saaray Cahdigii ama warqaddii 2-aad. Xaashidan waxay qeexeysay ujeeddada Golaha Sare ee Kacaanka oo ah in dalka laga hirgeliyo loona diyaariyo ku dhaqank nidaamka hantiwadaagga cilmiga ku dhisan. Arag Xaashidan 2-aad ee Kacaanku guddoonsaday 21 Oktoobar 1970

Qormada asalka ah oo lagu soo saaray waa luqadda Taliyaaniga – Original versions are in Italian & English

Tarjumad aan rasmi ahayn – Waxaa laga soo tarjumay luqadda ingiriisiga

THE PRESIDENT

OF THE SUPREME REVOLUTIONARY COUNCIL

HAVING SEEN the First Charter of the Revolution of 21 October 1969 laying down the internal and external policy of the Somali Democratic Republic;

CONSIDERING it necessary to clarify further the objectives of the State;

TAKING NOTE of the approval of the Supreme Revolutionary Council;

DECLARES

That as the First Charter of the Revolution lays down that the basic aim of the State is to constitute a society based on labour and principle of social justice;

And that, since it is considered that Socialism is the only philosophical system that will help to establish such a society;

The Somali Democratic Republic has, with effect from 21 October 1970, adopted scientific socialism as its cherished goal;

And shall take all necessary steps for its full implementation for the progress and prosperity of the Somali people.

GUDDOOMIYAHA

GOLAHA SARE EE KACAANKA

Markuu arakay Caxdigii koowaad ee Kacaanka 21 Oktoobar 1969 oo qeexay Nidaam-Siyaasadedka arrimaha Gudaha iyo arrimaha dibadda ee Jumhuuriyadda Dimuqraaddiga Soomaaliya;

Markuu Tixgeliyey in la sii qeexo ujeeddooyinka Dawladda u bartilmansan;

Fiiro Gaar ah u yeeshay Ansixinta Golaha Sare ee Kacaanka;

WUXUU CADDAYNAYA

In Caxdiga koowaad ee Kacaanku caddeeyey in gundhigga ujeeddada Dawladdu yahay in la dhiso bulsho ku salaysan shaqo iyo cadaalad bulshadeed; iyo,

Iyo ayadoo la hubsaday in nidaamka hantiwadaagu yahay nidaam-falsafadeedka keliya oo lagu dhisi karo bulshda caynkaas ah;

Laga Bilaabo 21st Oktoobar 1970, Jumhuuriyadda Demuqraaddiga Soomaaliya waxay guddoonsatay in ay ku dhaqanto nidaamka hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan kuna gaarto qiyamka ujeedooyinka iyo ahdaafta u bartilmaansan;

Waxayna qaadi doontaa tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah oo si buuxda loogu fulinaayo hormarka iyo baraarinta shacbiga soomaaliyeed

XAASHIDA SADDEXAAD EE KACAANKA

(F.R. (B.U.) L. 7 ee Luulyo 1976),

Sideedi Juune 1976 kulankii uu yeeshay Golaha Sare ee Kacaanaka arrimaha uu go’aamiyey waxaa ka mid ahaa: (a) in la dhiso xisbi siyaasadeedka keligii ka jiri kara dalka, oo sii wada Mabaadi’da iyo Siyaasadda Kacaanka ee hantiwadaagga; (b) in GSK xukunkii iyo awooddii maamulka Dalka uu la wareegay 21kii Oktoobar 1969, wuxuu ku wareejiyay Xisbiga Hantiwadaagga ee Kacaanka Soomaaliyeed-Golaheeda Suyaasiga ah; (c) in muddo shan sano gudahood dastuur la dejinayo. Go’aannada iyo kuwa kaloo wehliyaba waxaa lagu soo saaray Xaashida 3-aad ee Kacaanka oo lasoo saaray 1-da Luuliyo 1976. Warqadda 3-ad oo dhamaystiran waa sidan:

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SARE EE KACAANKA

Markuu Arkay: Mabaadi’ dii iyo ujeeddooyinkii Lagu Cadeeyay Xaashida Koowaad iyo Xaashida Labaad ee Kacaanka, iyo go’ aankii ka soo baxay Golaha Sare ee Kacaanka fadhigiisha 8da Juunyo 1976;

WUXUU GUDDOOMIYEY

  1. Marka laga billabo 1da Luulyo 1976 waxaa la dhisay Xisbi Siyaasadeed oo waddani ah laguna magacaabo Xibiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS).

  2. Xisbigu wuxuu lahaan doonaa astaan iyo jiritaan sharci ah.

  3. Xisbiga Hantiwadaagga ee Kacaanka Soomaaliyeed waa midka qura ee ka jiri kara Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Soomaliya, lamana abuuri karo Xisbi kale ama urur siyaasi ah oo aan ahayn midka ku xusan Qodobka 1aad ee Guddoonkan.

  4. Xisbiga Xaruntiisu waxay noqoneysaa Xamar, wuxuuna ku yeelan karaa laamo iyo xubno Gobollada, Degmooyinka, Tuuloonyinka, Wasaaradaha, Wakaaladaha, Warshadaha, Xurumaha Ciidammada Qalabka Sida iyo hadba meeshii kale ee looga baahdo.

  5. Calaamadda Xisbiga waa Burus iyo Yaambo isdhaafsan oo Xiddigta Calanka Soomaaliyeed kor ka saaran tahay iyo labo Caleemo oo ku wareegsan.

  6. Xisbigu wuxuu sii wadayaa Mabaadi’ dii iyo Siyaasaddii Kacaanka ee ku caddeyd Xashiida Koowaad iyo tan labaad ee Kacaanka Oktoobar, ujeeddadiisuna wa hirgelinta Mabda’a Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisan ee ku cad Xaashida Labaad ee Kacaanka.

  7. Xisbigu wuxuu yeelan doona destuur u gaar ah iyo xeer hoosaad oo saameeya qaabka iyo habka maamulka Xisbiga.

  8. Marka laga billabo kowda Luulyo 1976, Golaha Sare ee Kacaanku, xukunkii iyo awooddii maamulka Dalka ee uu kula wareegay Sharciga lamnarkiisu yahay 1 (kow) ee soo baxay 21kii Oktoobar 1969, wuxuu ku wareejiyay Xisbiga Hantiwadaagga ee Kacaanka Soomaaliyeed-Golaheeda Suyaasiga ah.

  9. Muddo shan sano gudahood, haddii aanay u imaanin wax dhibaato ah oo laga fursan waayey, waa in la soo saara Dastuurka lagu maaluli laha Dalka.

  10. Muddada ku meel gaarka ah, ka hor intaan la soo saarin Dastuurka Dalka, awooda sharci dejinta Dalka waxay Guddiga Dhexe EE Xisbigu u xilsaari doontaa Guddi gaar ah oo uu Guddoomiye ka yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga ama cid ka wakiil ah.

  11. Xubnaha Guddiga kor ku xusan iyo habka uu ku shaqayn doono waxaa lagu soo saari doona xeer u gaar ah.

  12. Guddoonkaani wuxuu dhaqaan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Golaha Sare ee Kacaanka, waxaana lagu soo saari doonaa Faafinta Rasmiga ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Soomaaliya.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/11/Qeybta-8aad.mp3

La Soco Qaybta 9aad Insha Allah

Previous Post

Madaxda Maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida oo faah faahin ka bixiyay socdaal shaqo ay ku tegeen Masar “SAWIRRO”

Next Post

Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose oo Barri ah ka billaaban doonta Kismaayo iyo Baydhabo

Next Post
Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose oo Barri ah ka billaaban doonta Kismaayo iyo Baydhabo

Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose oo Barri ah ka billaaban doonta Kismaayo iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

June 9, 2025
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf leh u martigelisay 20 diblumaasi oo da’yar ah oo dhameystay barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In