Gudomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu wehliyo sarkaal ka socday hay’adda UNICEF ayaa kormeeray goobo caafimaad oo lagu daweynayo dadka uu soo ritay cudurka shuban biyoodka ee magalada Beledweyne.
Kormerkaasi ayaa markii uu soo gabagaboobay waxa warbahinta si wada jir ah ula hadlay gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte iyo Join Marsheel oo ka socday hay ada UNHCR kuwaas oo ka hadlay cudurka shuban biyoodka ee dilaacay gobolkaasi.
“Waxaan u malaynayaa in wali xiriir wanaagsan uu naga dhaxeeyo madaxda gobolka Hiiraan UNICEF na waxa ay taageero weyn siisaa Soomaaliya ilaa hadda, haddi ay ahaan lahayd dhinaca cunada iyo ka hortaga xanuunada sidaa darted booqashadeena maanta magaalda Baladweyn waxa ay tahay inaan caawino dadka uu soo ritay daacuun caloolaha ee ku nool gobolkani Hiiraan” ayuu yiri Join Marsheel.
“Waxaan marka hore soo dhaweynahaa Mr Join waxaan halkan uga shegaya dadka ka ganacsada biyaha in ay taxadar weyn sameyaan oo ay biyaha waqtigi loogu tala galay keyd ahaadaan sidoo kale waan la xisaabtami doonaa dad ganacsatada ah.” sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha gobolka Hiiraan.
Cudurka shuban biyoodka ayaa dhawan ka bilowday magalada Beledweyn iyo degaanada ku dhow dhow iyadona in ka badan 100 ruux uu soo ritay maalmihii la soo dhafay inkasto tira aan la cayimin aya cudurkan u geriyoodeen.
.