Qalab ayaa loogu deeqay Akadeemiyadda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jeneeraal Kaahiye waxaana ugu deeqay mid ka mida Madbacadaha ku yaala magaaladda Muqdisho,taasoo loogu talgalay iney wax ku bartaan Saraakiisa,saraakiil xigeenka iyo cid walba oo wax ku baraneysa Akadeemiyada.
Ugu horeyn Taliye ku-xigeenka kowaad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Muqtaar Xuseen Afrax oo ka gudoomay deeqda Maamulka Madbacada ayaa ku wareejiyey Taliyaha Akadeemiyadda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jeneeraal Kaahiye isagoo ka hadlay muhiimadda ay leedahay in bulshadu ay taageerto booliiska maadaama ay ilaaliyaan amaanka hantida iyo naftooda.
Taliyaha Akadeemiyadda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jeneeraal Kaahiye G/Sare C/kariin Xuseen Macalin ayaa ka mahadceliyey qalabkan loogu deeqay Akadeemiyadda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed isagoo caddeyey in weli u baahan yihiin gacan ay ka helaan Shacabka soomaaliyeed.
Dhinaca kale Taliye ku-xigeenka kowaad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyee ayaa ka qaybgalay gaardi ay soo bandhigeen Cutubyo ka tirsan Ciidanka Boliiska,waxaana loogu diyaargaroobaayey Xuska 73-guurada aas’aaska Ciidanka Boliiska oo ku beegan Labaatanka Bishan.