Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Washington kula Kulmay Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka-Sawirro

caqiil by caqiil
September 26, 2017
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Washington kula Kulmay Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta Wasaaradda difaaca Mareykanka kula kulmay Ku xiggeenka Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka Patrick Shanaha, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada Amniga iyo gaashaandhigga ee ka dhexeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamadda Mareykanka, isla markaana uga mahad-celiyey Dawladda Mareykanka taageerada dhinacyada badan ee ay siiyaan Soomaaliya. Wuxuuna xusay in xiligani oo ay dawladdu la tacaaleyso dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ay muhiim tahay iskaashi dhinacyo badan oo dhex mara labada dal.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

“Dawlada Maraykanku waxay ka qeyb ahayd dalalkii dadka Soomaaliya usoo gurmaday waqtigii lagu jiray dagaalada sokeeye iyo hadda oo dagaal caalami ah lagula jiro kooxo argagixiso ah, waxaan la kulanay madax uu kamid yahay ku xigeenka Xog-yahaya difaaca Mareykanka oo nagu qaabilay xarunta Pentagonka, waxana ay noo balan qaadeen dib-u-dhiska ciidamadda Soomaaliya ay door ka qaadanayaan”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Patrick Shanaha ku xiggeenka Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka ayaa Dawladda Soomaaliya ku ammaanay kaalinta fir-fircoon ee ka qaadanayaan dib-u-soo celinta amniga iyo kala danbeynta dalka. Isla markaana uga mahadceliyey door kooda ku aadan dagaalka lagula jiro kooxaha nabadda diidan. Isagoo xusay in Mareykanka ay ka go’an tahay in ay garab istaagaan Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyey Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Danjiraha dalkeena u fadhiya Mareykanka.

Previous Post

Tababar ku saabsan Baarista Dambiyada oo ka furmay Kismaayo

Next Post

SAWIRRO:- Ku Simaha Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Oo Muqdisho Kula Kulmay Fanaanadda Maryan Mursal Ciise

Next Post
SAWIRRO:- Ku Simaha Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Oo Muqdisho Kula Kulmay Fanaanadda Maryan Mursal Ciise

SAWIRRO:- Ku Simaha Ra'isulwasaaraha Soomaaliya Oo Muqdisho Kula Kulmay Fanaanadda Maryan Mursal Ciise

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In