Friday, February 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ee XFS oo codsaday in lagu taageero gudashada waajibaadkiisa  

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ee XFS oo codsaday in lagu taageero gudashada waajibaadkiisa   
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Jamhruuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, danjirayaal, diblomaasiyiin, siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah duqowda dhaqanka ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho waxa ay ku soo dhoweeyeen Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad oo xilkiisana loo dhaariayay.

Soo dhoweynta Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb qaattay Prof. Ali Mohamed Gedi Ra’iisul wasaarihii hore Xukuumaddii FKMG ah ee Soomaaliya, Mr. Abdulwahab Ugaas Hussein Ugaas Khalif Ra’iisul wasaare kuxigeenkii hore ee Xukuumadda FKMG ah ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad oo xilka kala wareegi doona Wasiirkii hore ee Wasaaradda H.E. Amb. Yusuf Garaad Omar Ahmed ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta ballaaran ee loo sameeyay, waxaanu carabaabay in dalku ka gudbayo marxalado kala duwan, una tallaabayo heer shacabku dareemo kalsooni ay ku qabaan dowladdooda.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa muujiyay niyadsamidda uu ku qabo inuu ku guuleysto xilka loo magacaabay, isaga oo kaga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda H.E. Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda H.E. Mr. Hassan Ali Khaire kalsoonida ay siiyeen ee ah magacaabiddiisa, waxaanu codsaday in lagu taageero geedi socodka uu ku xoojin doono howlaha Wasaaradda, Ergadeeda iyo Siyaasadda Dibadda.

.

Previous Post

S/Gaas C/weli Jaamac(Gorod)”oo kulamo layeeshay madaxda Gobolka Mudug ”

Next Post

Amisom oo xoojinaysa tababarka la siinayo ciidanka Booliska Somaaliyeed 2018.  

Next Post
Amisom oo xoojinaysa tababarka la siinayo ciidanka Booliska Somaaliyeed 2018.  

Amisom oo xoojinaysa tababarka la siinayo ciidanka Booliska Somaaliyeed 2018.  

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
0

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maalinimadii shalay cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland,iyagoo ku dhawaaqay in tallaabadaasi ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

February 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay Baalfurka Buugga “Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika”,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

February 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In