Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ee XFS oo codsaday in lagu taageero gudashada waajibaadkiisa  

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ee XFS oo codsaday in lagu taageero gudashada waajibaadkiisa   
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Jamhruuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, danjirayaal, diblomaasiyiin, siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah duqowda dhaqanka ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho waxa ay ku soo dhoweeyeen Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad oo xilkiisana loo dhaariayay.

Soo dhoweynta Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb qaattay Prof. Ali Mohamed Gedi Ra’iisul wasaarihii hore Xukuumaddii FKMG ah ee Soomaaliya, Mr. Abdulwahab Ugaas Hussein Ugaas Khalif Ra’iisul wasaare kuxigeenkii hore ee Xukuumadda FKMG ah ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad oo xilka kala wareegi doona Wasiirkii hore ee Wasaaradda H.E. Amb. Yusuf Garaad Omar Ahmed ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta ballaaran ee loo sameeyay, waxaanu carabaabay in dalku ka gudbayo marxalado kala duwan, una tallaabayo heer shacabku dareemo kalsooni ay ku qabaan dowladdooda.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa muujiyay niyadsamidda uu ku qabo inuu ku guuleysto xilka loo magacaabay, isaga oo kaga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda H.E. Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda H.E. Mr. Hassan Ali Khaire kalsoonida ay siiyeen ee ah magacaabiddiisa, waxaanu codsaday in lagu taageero geedi socodka uu ku xoojin doono howlaha Wasaaradda, Ergadeeda iyo Siyaasadda Dibadda.

.

Previous Post

S/Gaas C/weli Jaamac(Gorod)”oo kulamo layeeshay madaxda Gobolka Mudug ”

Next Post

Amisom oo xoojinaysa tababarka la siinayo ciidanka Booliska Somaaliyeed 2018.  

Next Post
Amisom oo xoojinaysa tababarka la siinayo ciidanka Booliska Somaaliyeed 2018.  

Amisom oo xoojinaysa tababarka la siinayo ciidanka Booliska Somaaliyeed 2018.  

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In