Wararka ka imaanaya Dalka Syria ayaa sheegaya in Tirada dhimashada ee duqayntii ka dhacayday magaalada Ghouta ay gaartay 250 qof maalmihii u dambeeyey,iyadoo dadka u Ololeeya arrimaha Suuriya ay ku tilmaameen dagaalkan kii ugu ba’naa ee dhaca ilaa sanadkii 2013-kii oo halkaasi ay ka socdeen dagaalada ahliga ah.
Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in Ilaa 50 caruur ah ay kamid yihiin dadka ku dhintay duqeymahaasi,mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Dowladda eek u aadan khasaaraha ka dhashey duqeyntaasi.
Dhinaca kale diyaaradaha Dagaalka ee Militariga Dalka Turkiga ayaa gantaalo ku garaacay goobo ay dagaalka kagala jirraan jabhada Kurdiyiinta eek u sugan Waqooyiga Dalka Syria.
Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in 6 isbitaal oo kuyaal dalkaasi Syria lala beegsaday duqeymo xoogan maalmihii Isniinta iyo Talaadadii la soo dhaafay.
Weeraradan xaga cirka ah waxaa lagu beegsaday tobon tuulo oo u dhow bariga magaaladda Ghouta ee Dalkaasi Syria
Qaramada Midoobay waxay dalbanaysaa xabadjoojin si gargaarka loo gaarsiiyo dadka loona soo saaro dhaawaca halkaasi yaalla
Madaxweynaha Wadanka Syria Bashar Al Asad ayaa doonaya inuu duulaankan ku qabsadomagaalada Ghouta oo ay ku sugan yihiin kooxaha dowladda dagaalka kula jira.