Thursday, December 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Milatari loo dhaariyey Difaaca dalka kaddib dhammaadka tababarkooda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Milatari loo dhaariyey Difaaca dalka kaddib dhammaadka tababarkooda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidammadan waxaa lagu carbiyey xerada tababarrada ee Turky-Som xoogga dalka Soomaaliyeed ayeeyna qeyb ka yihiin dufcaddaan, kuwaas oo isugu jiro saraakiil dhallinyaro aqoonyahanno oo noocyo kala duwan leh, qaatayna tababarro ka kooban Xeeladaha ciidanka Milatariga.

Waa 138 ciidammadan loo dhaariyey in ay si daacadnimo leh ugu adeeggaan dadkooda, u difaacaan uguna shaqeeyaan Calankooda Soomaaliyeed sharaftiisa, dhaarinta waxaa joogey abaalduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed General Cabdullaahi Cali Caanood, saraakiisha ugu sarreysa xeradan Turky-SOM iyo Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya. (Dhaarinta)

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

December 17, 2025

Ciidammadan oo si casri ah u tababaran ayaa lagu qalabbeeyey hubka noocyada carsiga ah ee tiknoolajiyadda maanta la jaanqaadaya.

Hoggaanka Saraakiisha iyo qeybaha ciidanka kale ee la dhaariyey  ayaa khubaddoodii ku sheegay in ay ka dhabbeynayaan dhaarta ay dalka, dadka, calanka, iyo Diinta ummadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed u qaadeen, si ay uga  ilaaliyaan cadowga gudaha iyo dibedda.

Taliyaha Xerada tababarka Turky-SOM G/sare Maxamed  Yaasiin Karan ayaa aaminsan in ciidankan ay yihiin  ciidammadii tusaalaha wanaagsan u noqon lahaa Xoogga dalka Soomaaliyeed, muraalka iyo qalabkuna ay ka dhisan yihiin.

Abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa yiri “Soomaaliya mar  kale ayeey dib ugu laabaneysaa sidii ay u soo ceshan lahayd ciidankeedii awoodda  lahaa, si jiritaanka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed u dhowraan,  cadowgana uga ilaaliyaan, waxaan idin kula dardaarmayaa in aad hormuud u noqotaan sidii aad dalkiina u nabaddeyn lahaydeen, waxaana idiin bilowdey bog cuusb oo taariikh dalkeenna aad uga qeybgeli doontaan, dhaarta aad dhaarateenna waa xaq”.

Kuliyaddaan Turky-SOM waxa ay xoogga saareysaa sidii ay u dhisi lahayd ciidan xooggan u tababarran hab carsi ah, heysta qalab ku filan, taas oo bilow  u ah isku filnaansho ciidanka Soomaaliya oo amniga dalka la wareega mustaqbalka dhow.

Feysal Muuse

Previous Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka wada deegaanno hoostaga Balcad

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

December 17, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa kulan miro-dhal ah...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

December 17, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo ka jirta deegaanada maamulkaasi....

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in guddigu uu bilaabayo daabulidda qalabka rasmiga ah ee lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In