Dowladda Turkiga ayaa maanta oo arbaco ah martigelineysa shir saddex geesood ah oo looga hadlayo Xaaladda cakiran ee ka taagan dalka Suuriya,wuxuuna shirka u dhaxeeya madaxweynayaasha Turkiga,Ruushka iyo Iiraan.
Sidoo kale,shirka oo ka dhacaya magaalada Ankara ayaa diirada lagu saari doonaa horumarada la taaban karo ee lagu tallaabsaday 7-dii sano ee dagaalada sokeeye ay socdeen.
Madaxweynayaasha Ruushka iyo Iiraan, Vladimir Putin iyo Hassan Rouhani ayaa talaadadii gaaray magaalada Ankara,waana markii labaad oo hogaamiyaashan kulmaan tan iyo bishii November kana wada xaajoodaan Xaaladda Suuriya.
Dowladaha Ruuska iyo Iiraan ayaa taageera Dowladda Suuriya,halka Xukuumadda Ankara ay taageerto Mucaaradka Qunyar socodka ah,waxayna Dowladdahan si dhow iskaashi uga leeyihiin xalinta khilaafka ka taagan Suuriya tan iyo sanadkii hore.
Wada hadaladii hore ayaa waxay ka dhaceen dalka Ruushka gaar ahaan magaalooyinka Sochi iyo Astana ee caasimada u ah magaalada Kazakh.
Xiriirka u dhaxeeya Dowladaha Ruushka iyo Turkiga ayaa aad u wanaagsan,waxaana wadahadalada hadda ka furmaya dalka Turkiga lagu gorfeyn doonaa caqabadaha ka jirta Suuriya iyo sida lagu xalin karo,sidoo kale waxaa la isla soo hadal qaadi doonaa sida Shacabka Suuriya xagga bini-adanimada looga caawin lahaa