Sunday, July 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ku Baaqay in Colaadda Tukaraq Lagu Bedelo Xasilooni, Horumar iyo Midnimo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 30, 2018
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ku Baaqay in Colaadda Tukaraq Lagu Bedelo Xasilooni, Horumar iyo Midnimo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Garowe, July 30, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garowe ee xarunta dawlad gobaleedka Puntland ayaa hoolka Jaamacadda Bariga Afrika kula hadlay bulshada qeybaheeda kala duwan, waxa uuna ku baaqay in Colaadda ka taagan deegaanka Tukaraq lagu bedelo Xasilooni, horumar iyo midnimo.

 

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

“Aafada cusub ee dagaalka Tukaraq ee nahor taallaa waa in lagu bedelaa xasilooni, waa in lagu bedelaa horumar waa in lagu bedelaa midnimo. Midnimada Ummadda Soomaaliyeed waa Muqaddas. Dadka Soomaaliyeedd meel kala aadimaayaan hadii ay wax kala tabanayaan waa in ay isu yimaadaan. Hadii aad tahay Dhalinyaro Haween iyo Culimo, qof waliba oo Soomaaliyeed waa in uu aqbalaa dhib waxaa noogu filan 30-kii sano ee lasoo dhaafay”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre.

Dhallinyada Soomaaaliyeed ayuu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre in ay yihiin Raasumalka, hogaamiyaashii Mustaqbalka, Maskaxda, indhaha, gacmaha, dhegaha iyo xoogga dalka sidaa darteed looga baahanyahay in ay noqdaaan Tabiliiqa cusub ee nabadeynta, dawladnimada iyo hogaanka dib-u-heshiisiinta ummaddda Soomaaliyeed si loo nooleeyo midnimada.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka aqoon badanyihiin, ka hanti badanyihiin, ka fursad fiicanyihiin dhalinyaradii xornimada dhalisay ee SYL, sidaa darteed looga baahanyahay in ay taariikhda dalka baal dahab ah ka galaan oo ay dalkooda u shaqeeyaan.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa khubadiisa kusoo hadal qaaday horumarka la gaaray sanadkii iyo barkii xukuummadu jirtay isaga oo hoosta ka xariiqay in dhaqaalaha dalku kobcay, wax soo saarka guduhu (GDP) horumar sameeyay, awoodda wax iibsigu ay sare u kacay, dawladdu ay ku guuleysatay bixinta mushaarka, sicir bararku hoos u dhacay iyo in xaddiga faqrigu hoos u dhacay.

Waxa uu Ra’iisul Wasaare Khayre khudbadiisa ku sheegay inay muhiim tahay in la helo Ciidan Soomaaliyeed oo Sharafta iyo karaamaha ummadda soo celiya, ka qayb qaata la dagaalanka musuqmaasuqa iyo in la helo nidaam cadaladeed dhamaystiran, lagu kalsoonaan karo, bulshadana kala haga.

 

–DHAMMAAD—-

Previous Post

Isimada Puntland oo Qado-sharaf u sameeyay Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso wareysiga gudoomiye ku xigeenka baarlamanka Hirshabeelle

Next Post
Dhageyso wareysiga gudoomiye ku xigeenka baarlamanka Hirshabeelle

Dhageyso wareysiga gudoomiye ku xigeenka baarlamanka Hirshabeelle

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In