Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbrashada XFS oo la kulmay xubno ka tirsan hay’adda Turkiga u qaabilsan horumarinta waxbarashada “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbrashada XFS oo la kulmay xubno ka tirsan hay’adda Turkiga u qaabilsan horumarinta waxbarashada “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

September, 11, 2018:- Wasiirka  wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane  Cabdulaahi Godax Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa hay’adda  Al-Ma’arif Foundation ee dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha waxbarashada Soomaaliya Mustafa Yilmaz.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa  agaasimaha waaxda dugsiyada dowladda, xubno kale oo ka tirsan  wasaaradda waxbasharada hiddaha iyo tacliinta sare, sidoo kala kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan hay’adda Ma’arif Foundation.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Goodax Barre  ayaa sharraxaad ka siiyay madaxda hay’adda Al Ma’arif Foundation heerka waxbarashada dalka iyo isbedelka lagu sameeyay manhajka waxbarashada dalka.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa u sheegay  xubnahan  in wasaaradda waxbarashada ay dadaal ugu jirto siddii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada.

“Waxaan,wadnaa howlo aan ku dooneyno in aan kor ugu qaadno waxbarashada dalka iyo siddii dadka Soomaaliyeed ay u heli lahayeen waxbarasho tayo leh ,waxa aan rajeynayaa  in aad garab nagu siin doontaan’’ ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre  ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga  dadaalada horumarineed ee ay ka wado dalka.

Madaxa hay’adda Ma’arif Foundation ee Soomaaliya  Mustafa Yilmaz ayaa ballan qaaday inay sii laba jibaari doonaan tageerada dhanka waxbarashada ee ay siiyaan ummadda Soomaaliyeed.

Previous Post

Xafiiska Hantidhowrka Qaranka oo Sheegay in Hantidhowrku ka madaxbanaan yahay Siyaasadda

Next Post

Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada Ee Arrimaha Bulshada Oo Ka Hadlay Yaraynta Faqriga iyo Horumarinta Waxbarashada

Next Post
Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada Ee Arrimaha Bulshada Oo Ka Hadlay Yaraynta Faqriga iyo Horumarinta Waxbarashada

Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada Ee Arrimaha Bulshada Oo Ka Hadlay Yaraynta Faqriga iyo Horumarinta Waxbarashada

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In