Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhallinyaro isu taagtay inay dhiig ugu deeqaan bukaanada ku jira Isbigaalka Guud ee Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 5, 2018
in Wararka
0
Caruurta Mudug oo la ildaran nafaqo darro iyo cudurro kale+Dhageyso warbixin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Hansare iyo Himilo toosan oo ay ku midoobeen dhallinyaro isugu jirta Puntland Iyo Galmudug oo kaashanaya Maamulka isbitaalka wayn ee Galkacyo ayaa maantay daahfuray mashruuca isdiwaangalinta Dhiig Shubidda, waxana munaasabda kasoo qaybgalay Maamulka degmada Galkacyo, ururada dhallinyarada,Haweenka bahda Caafimaadka hay’adda Bisha Cas iyo Marti sharaf Kale.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

August 26, 2025
Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

August 26, 2025

Afhayeenka Ururka Hansare iyo Himilo toosan  oo ah arday isugu jirta Puntland iyo Galmudug oo u istaagay badbaadinta bukaanada u nafwaaya dhiig la’aanta ayaa sheegay inay ku guulaysteen talaabadii ugu horaysay ee ah inay dhiig ku shubeen keydka dhiigga ee Isbitaalka.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Galkacyo Dr Maxamed Xuseen aadan oo ka hadlay dhibaatada bukaanada ka haysatay in dhiig loo helo ayaa sheegay intay tahay talaabo fiican in dhallinyaro isxilqaamay inay dhiig ugu deeqaan bukaanada ku jira Isbitaalka.

Dr Maymuun oo iyana ka hadashay munaasabda ayaa sheegtay in bulshadu aysan u wacyigashaneen doorka uu nolosha ku leeyahay dhiiga.

Ugu dambayn Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Tumey ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin kaalintooda ku aadan mashruuca dhiig shubida ee  Isbitaalka Galkacyo.

Mashruucan ayaa noqona kii ugu horeeyay ee laga hirgeliyo magaalada Gaalkacyo si loo badbaadiya dadka u geeriyooda nooca dhiigooda oo la waayay.

 

Previous Post

Soomaaliya iyo UNHCR oo ka wadahadlaya muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku xaniban Libya

Next Post

Xildhibaan kulan dhiiri gelin ah la qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaan kulan dhiiri gelin ah la qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka “SAWIRRO”

Xildhibaan kulan dhiiri gelin ah la qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

August 26, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha...

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

August 26, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta kormeeray waddada Buundooyinka oo isku xirta...

Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

August 26, 2025
0

Intii uu socday Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In