Iyadoo ay tahay booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku tago Somaliland tan iyo markii uu la wareegay xilka xafiiska, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda uu leeyahay wada-hadal lagu xalliyo caqabadaha ka jira gobolka.
“Waxaan munaasabaddan uga faa’iidaysanayaa in aan carrabka ku adkeeyo muhiimadda ay leedahay dhismaha iyo joogtaynta hababka wada xiriirka ee lagu xallinayo kala duwanaanta si nabad iyo wax dhisid ku dheehantahay,” Ergeyga QM, James Swan, ayaa sidaas yiri.
Wuxuu sidoo kale ku booriyay madaxda siyaasadda ee Somaliland inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan sidii ay u qaban-qaabin lahaayeen doorashooyinka baarlamaanka iyo kuwa deegaanka.
Intii u ku guda jiray booqashadiisa labada maalmood ah ee uu ku tegay magaalada Hargeysa, ayaa madaxa QM wuxuu la kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo xubno sare oo ka tirsan golihiisa wasiirada, wuxuu sidoo kale la kulmay madaxda Haweenka ah iyo dadka ka faa’iideysta barnaamijyada QM.
“Sababaha aan halkan u joogo waxaa kamid ah in aan gacan ka geysto xoojinta wada-shaqaynta ku aaddan hawlaha samafalka, horumarinta dhaqaalaha iyo tayo-dhisidda maamulka deegaanka iyo bixinta adeegyada,” Md. Swan ayaa sidaas yiri.
Md. Swan ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tegay Somaliland tan iyo markii uu la wareegay xilkiisa dabayaaqadii bishii Juun. Waxaa booqashada ku wehliyay madax sare oo ka kala socotay Xafiiska Ergeyga Sare ee QM u qaabilsan Arrimaha Qoxootiga (UNHCR), Hay’adda QM ee Cuntada iyo Beeraha (FAO) iyo UNDP – oo kala ah Takeshi Moriyama, Serge Tissot iyo Jocelyn Mason